Madaxweyne Deni oo wareegto ku joojiyey cashuur dhaafkii hay’addaha Caalamiga ah iyo kuwa gaar loo leeyahay

siciid cabdillaahi deni

Madaxweyaha cusub ee maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa todobaad kadib soo saaray wareegtadii labaad oo uu kaga hadlayo arrimaha maaliyadda Puntland.

Waxaa Wareegto ka soo baxay Xafiiska Madaxweyne Saciid Deni ayaa lagu ogeysiiyay Wasaaradda Maaliyadda, Hay’addaha kuwa Caalamiga ah iyo kuwa gaar loo leeyahay in la joojiyay dhammaan Canshuur dhaafkii iyo Cashuur dhimistii loo samayn jiray hay’adaha dawladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay.

Madaxweynaha cusub ee Puntland Saciid Cabdullaahi Deni waa markii labaad ee uu soo saaro Wareegto inta uu xilka Madaxtinimo Puntland hayo, iyadoo wali xilkaasi uusan kala wareegin madaxweyne Gaas.

Akhriso Wareegtaddii:

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.