MADAXWEYNE ERDOGAN OO KU GUULEYSTAY DOORASHADII DALKA TURKIGA

erdogan election 2023

Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa ku guuleystay doorashadii ku-celiska aheyd ee dalka Turkiga, sida ay muujinayaan natiijooyinka horudhaca ah ee warbaahinta dowladda.

Ayada oo la tiriyey 97% codadka, Erdogan ayaa ku horreeya 52.12%, halka musharaxa isbaheysiga mucaaradka Kemal Kılıçdaroğlu uu helay 47.88%. Guddiga doorashada ayaan weli si rasmi ah ugu dhowaaqin natiijada.

Guushan ayaa ka dhigan in madaxweyne Erdogan uu sii dheereysan doono xukunkiisa 20-ka sano ah ee Turkey ee marna uu ahaa ra’iisul wasaare, iminkana madaxweyne.

Taageerayaasha madaxweyne Erdogan ayaa isugu soo baxay hoygiisa magaalada Istanbul, ayaga oo ku qeylinaya “Allahu Akbar, Allahu Akbar.”

“Waxaa rajeynayaa in wax walba ay ka wanaagsanaan doonaan sidii hore,” waxaa sidaas tiri Nisa oo ah gabar 28 jir ah oo ka mid ah taageerayaasha madaxweynaha.

Qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha caalamka ayaa durba billaabay inay u hambelyeeyaan madaxweyne Erdogan, waxaana ugu horreeyey amiirka dalka Qatar Tamim bin Hamad Al Thani.

“Walaalkeyga qaaliga ah Recep Tayyip Erdogan, waxaan kugu hambalyeynayaa guushaada, waxaana kuu rajeynayaa inaad ku guuleysato xilkaaga cusub, oo aad ka gaarto waxa ay dadka walaalaha ah ee Turkiga ku taamayaan ee ah horumar iyo barwaaqo, iyo xiriirka adag ee naga dhaxeeya,” ayuu Tamim ku yiri qoraal uu soo dhigay Twitter. 

Doorashadan ayaa aheyd tii ugu adkeyd ee uu wajaho madaxweyne Erdogan, waxaana madaxda Reer Galbeedka ay aad u filayeen in looga adkaan doono, ayada oo warbaahintooda ay dagaal xooggan oo dacaayad ku qaaday. 

Hase yeeshee, shacabka Turkey ayaa mar kale muujiyey sida ay ugu qanacsan yihiin hoggaanka madaxweynahooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here