Madaxweyne Farmaajo iyo dhigiisa Erdogan oo khadka telefanka ku wada hadlay

farmaajo erdogan

Madaxweynaha Somalia Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa khadka telefoonka ay ku wada xiriireen dhiggiisa Dalka Turkiga Mudane Rajab Dayib Erdogaan.

Qoraal ka soo baxay Villa Somalia ayaa lagu sheegay in labada hogaamiye ay ka wada hadleen hannaanka iskaashiga labada dal ee xakameynta iyo ka hortagga cudurka COVID-19 oo ah aafo caalami ah.

“Madaxweyne Farmaajo ayaa uga mahad-celiyey shacabka iyo Dowladda Turkiga taageerada joogtada ah ee ay la garab taagan yihiin shacabka iyo Dowladda Soomaaliya, gaar ahaan xilligan oo halis caafimaad oo xooggan ay ku xeeran tahay dalkeenna” ayaa lagu qoraalka ka soo baxay madaxtooyada.

Turkiga oo ah saaxiibka ugu weyn ee ay leedahay dowlada Somalia ayaa dhowaan soo gaarsiiyey Muqdisho dayuurad xamuul ah oo siday deeq caafimaad oo ka kooban qalabka ka hortaga cudurka Coronavirus.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here