Madaxweyne Farmaajo oo Abiy Ahmed ugu hambalyeeyay guusha uu ka gaaray doorashada Itoobiya

Abiy farmaajo

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta war kasoo saaray natiijadii doorashada Ethiopia, taasi oo uu ku guuleystay Ra’iisal wasaare Abiy Ahmed.

Xisbiga uu hogaamiyo ra’iisul wasaare Abiy Ahmed ee Prosperity Party (PP) ayaa ku guuleystay kuraasta ugu badan ee doorashooyinkii baarlamanka Ethiopia, waxaa sidaas ku dhowaaqay guddiga doorashada.

Farmaajo oo ugu horeyntii guushaas ugu hambalyeeyay Abiy Ahmed, ayaa sidoo kale ku macneeyay natiijada doorashada Ethiopia mid uu Abiy Ahmed “muddo xileed kale oo awood badan kaga helay” shacabka Ethiopia.

Waxa uu sheegay in Soomaaliya ay sii wadi doonto la shaqeynta xukuumadda Abiy Ahmed si loo sii xoojiyo xiriirka labo geesoodka ah ee labada dowladooda iyo shacabka labada dal.

“Waxaa si diirran ugu hambalyeynayaa PM Abiy Ahmed, Soomaaliya waxay sii wadi doonta la shaqaynta dowladdiisa (xukuumadda Abiy) si loo sii xoojiyo xiriirkeenna laba geesoodka ah, si ay uga faa’iideystaan labadeena shacab iyo gobolka oo dhan.”

“Waxaan kuu rajeynayaa guul weyn, Mudane PM Abiy Ahmed,” ayuu ku yiri Madaxweyne Farmaajo qoraal kooban oo uu ku baahiyey bartiisa twitter-ka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here