Madaxweyne Farmaajo oo booqasho ku tegay Jamhuuriyada Dimoqraadiga ah ee Congo

farmaajo3

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa ka dhoofay Muqdisho, isagoo ku sii jeeda dalka Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ah ee Congo, kadib markii uu casuumaad ka helay madaxweynaha dalkaas Felix Tshisekedi.

Madaxweynaha dalka Congo oo hadda ah madaxa ururka Midowga Afrika ayaa casuumay Madaxweyne Farmaajo, sidoo kale waxaa la sheegay in todobaadkan gudihiisa uu qaabili doono Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta.

Warar kale ayaa sheegaya in Farmaajo markii uu u soo dhamaado safarka uu caawa ugu baxay dalka Congo uu ka sii aadi doono dalka Itoobiya, halkaas oo uu kula kulmi doono ra’iisul wasaare Abiy Axmed oo ay saaxiibo dhow yihiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here