Madaxtooyada Soomaaliya ayaa caawa sheegtay in madaxweyne Farmaajo uu guddoomin doono shirka madaxda dowladda federaalka iyo madax goboleedyada ee ka furmaya Dhuusamareeb, xilli uu muran ka taagnaa arrintan.
Qoraal ay Villa Somalia kasoo saartay tegitaanka madaxweynaha ee Dhuusamareeb ayaa lagu yiri “Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo guddoomin doona shirka Wadatashiga Heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed ayaa soo gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Dowlad Goboleedka Galmudug.”
Shirka ayaa maalinta berri si rasmi ah u furmi doona.