Madaxweyne Farmaajo oo ka tacsiyeey geerida dadkii ku dhintay qaraxii ka dhacay Muqdisho

m farmaajo6

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka tacsiyeey geerida dadkii ku dhintay qaraxii maanta ka dhacay magaalada Muqdisho oo ay ugu yaraan siddeed qof ku dhimatay siddeed kalena ku dhaawacmeen, kadib markii gaari lagu soo rarray walxaha qarxa uu ku qarxay gaadiid taagnaa meel dhawr tallaabo u jirta bar kontorool oo laga ilaaliyo xarunta madaxtooyada, gaar ahaan isgoyska ceelgaabta.

“Madaxweynaha ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay isku duubni, wadajir iyo sii joogteynta la shaqeynta laamaha ammaanka,” ayaa lagu yiri qoraal lagu shaaciyay bogga Villa Somalia.

Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda qaraxa, waxayna intaa ku dartay in bartilmaameedku ahaa masuuliyiin iyo saraakiil ciidan oo ka tirsan Dawladda Federaalka, balse kooxdu ma aanay sheegin tirada dadka ay dileen ama dhaawaceen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here