MADAXWEYNE FARMAAJO OO KA TACSIYEEYEY GEERIDA JANARAAL CALI ISMAACIIL MAXAMED

farmaajo duco

Muqdisho, May 18, 2021; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray ehelka, qaraabada iyo Ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Janaraal Cali Ismaaciil Maxamed oo maanta lagu aasay dalka Turkiga.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay doorkii uu Marxuumku ku lahaa tayeynta Ciidamada Qalabka Sida iyo dadaallada uu ku bixiyey dib u heshiisiinta dadka Soomaaliyeed.

“Innaa lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyskii, qaraabadii iyo Qaranka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyoodey Alle ha u naxariistee Janaraal Cali Ismaaciil Maxamed. Marxuumku waxa uu door muuqda ku lahaa dowlad dhiska Soomaaliya, isagoo xilal kala duwan ugu soo adeegey dadka iyo Dowladda Soomaaliyeed.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Marxuumka Alle u weydiiyey in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyska, qaraabada iyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyoodey.

DHAMMAAD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here