MADAXWEYNE FARMAAJO OO KA TACSIYEEYEY MUSLIMIINTII LAGU LAAYAY NEW ZEALAND

farmaajo2

Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka tacsiyadeeyey dadkii muslimiinta ahaa ee ku dhintay weerarkii ka dhacay masaajidyo kuyaal dalka Newzealand, guud ahaan gaar ahaan dadkii Soomaaliyeed ee ku dhintay.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyadeeyey dadkii halkaasi ku dhintay, isagoo sidoo kale dowladda iyo shacabka Newzealand tacsi u diray, una rajeeyey dadka dhaawacmay caafimaad deg deg ah.

Sidoo kale Raiisul wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa isaguna dhankiisa ka tacsiyadeeyey dadkii muslimiint ahaa ee weerarkaasi ku dhintay, wuxuu si gaar ah ugu tacsiyadeeyey dadkii Soomaaliyeed ee ku dhintay weerarkaasi.

Ilaa 49 qof ayaa la sheegay in ay ku geeriyootay tiro kalena ay ku dhaawacmeen weerar lagu qaaday masaajidyo ku yaala Christchurch ee dalkaasi.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.