Madaxweyne Farmaajo oo ku sii jeeda Nairobi iyo kulanka Uhuru Kenyatta

farmaajo3

Madaxweynaya dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamee C/llaahi Farmaajo ayaa goor dhow u ambabixi doona magaalada Nairobi ee dalka Kenya halkaasoo uga qeyb galayo Shirka caalami oo ay soo qaban qaabisay Qaramada Midoobey, waxaana ka socota magaalada Nairobi qaban qaabo lagu soo dhoweynayo.

Shirkan oo uu hoggaaminaayo Sanduuqa Qaramada Midoobey ee Horumarinta Dadka (UNFPA) ayaa lagu jaangooynayaa qorsheyaasha loo dhan yahay ee dhinacyada horumarka iyo halbeegga sanadlaha ah ee heer qaaradeed iyo heer caalami ee hiigsiyada xasilloonida iyo horumarka.

Wafdiga Madaxweynaha waxaa hordhac u sii ahaa diblumaasiyiin iyo khubaro ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya kuwaas oo la sii qaabeeyey dhiggooda dalalka ka qayb-gelaya shirweynahan qorsheyaasha lagu falanqaynayo, iyagoo gudbiyey qodobbada hortabinta u leh shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed.

Sida wararku sheegayaan shirka uu ka qeyb geli doono Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa wehliya kulan gaar ah oo uu la qaadan doono Madaxweyaha Kenya Uhuru Kenyatta, oo la sheegayo inuu ahaa balan labada Madaxweyne horay u taalay.

Kulankan ayaa noqonaya kii 3aad oo labada Madaxweyne yeesheen muddo saddex bilood gudahood laga soo bilaabo Shirkii Qaramada Midoobey New York ee September, Shirkii Addis Ababa ee furitaanka Beerta Midnimada iyo shirka gaarka ah ee Nairobi ku dhex mari doona.

Dadka odorasa siyaasadda ayaa hadal haya in shirka gaarka ah ee Madaxweyne Farmaajo iyo Uhuru Kenyatta yeelanayaan looga hadlayo xiriirka labada dal oo bilihii u dambeeyay xumaa, arrinta Jubbaland iyo dacwada weli rahman ee taala Maxkamadda ICJ ee la xiriira Muranka Badda, taasoo dhowaan dib loo dhigay illaa bisha June sanadka 2020.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here