MADAXWEYNE FARMAAJO OO LOO DHAARIYAY XILDHIBAAN BF

farmaajo press

Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta kulan muhiim ah ku yeeshay xaruntooda magaalada Muqdisho, kaas oo lagu dhaariyey madaxweynihii 9-aad ee dalka, Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) oo noqonaya xildhibaan abadiya ah, sida uu qabo dastuurka KMG ah.

Ugu horreyn waxaa kulanka dood keenay 11 xildhibaan uu ku jiro siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ka soo horjeeday in la dhaariyo Farmaajo, isaga oo ku eedeeyey inuu xadgudub geystay muddadii uu xafiiska joogay ee uu ahaa madaxweynaha.

Intaas kadib guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa sheegay in cod la gelinayo wax ka beddelka ajendaha maanta, gaar ahaan dhaarinta madaxweyne Farmaajo, kadib markii ay mooshin ka keeneen 11 xildhibaan oo ka tirsan xubnaha Golaha Shacabka Soomaaliya.

Xildhibaannada ayaa cod gacan-taag ah, kadib ogolaaday in la dhaariyo Maxamed Farmaajo oo isla goobta loogu qabtay dhaarta, wuxuuna sidaas ku noqday xildhibaan abadiya ah.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo kulanka shir guddoominayey ayaa ku dhawaaqay natiijada, waxaa ogolaatay in madaxweynahii hore Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo la dhaariyo 146 xildhibaan.

Farmaajo waxaa ka horreeyey madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo isna sanadkii 2017-kii loo dhaariyey xildhibaan aan dhicin oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.

Si kastaba qodobka 64-aad farqaddiisa 4-aad ee Dastuurka KMG ayaa wuxuu dhigayaa in qof kasta oo noqda Madaxweynaha JFS marka uu xilka banneeyo inuu noqonayo xildhibaan Golaha Shacabka inta uu nool yahay, haddii aan xil ka qaadis lagu sameyn, ayada oona muddadii xil heyntiisa dhammaan, si waafaqsan qodobkan ka midka ah Dastuurka KMG ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here