Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa caawa afurkii kaddib saxiixay Sharciga Gaarka ah ee Jihaynta Doorashooyinka heer Federaal oo Baarlamaanka Soomaaliya aqlabiyad ku ansixiyey shalay oo taariikhdu ahayd 12.04.2021.
Saxiixa madaxweynaha ayaa rajo tirtay in dib dambe wadahadalo looga yeesho arimaha doorashooyinka Soomaaliya.