Madaxweyne Farmaajo oo wadahadallo la yeeshay Amiirka Qatar iyo Madaxweyne Geelle

0
farmaajo online

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wada-hadallo taleefon la yeeshay madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo Amiirka dalka Qatar Tamim bin Hamad Al Thani.

Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Villa Somalia, madaxweyne Farmaajo iyo Geelle ayaa iska xog wareystay hannaanka iskaashiga labada dal ee walaalaha ah ay ku wajahayaan xakameynta iyo ka hortagga cudurka COVID-19 oo ah aafo caalami ah.

Villa Somalia ayaa sheegtay in Farmaajo uu la wadaagay Dhiggiisa dalka Jabuuti in shacabka iyo dowladda Soomaaliya ay la dareemayaan walaalahooda Jabuuti murugada iyo dhibaatada ka dhalatay daadadka ku fatahay dalkaas oo sababay khasaare naf iyo maalba ah.

Dhanka kale, madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ugu hambalyeeyey Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed bilshada bisha barakeysan, waxa uuna Alle uga rajeeyey nabad iyo barwaaqo waarta.

Sida lagu sheegay qoraalka Villa Somalia, Madaxweyne Farmaajo oo sidoo kale khadka taleefanka ay ku wada xiriireen Amiirka Dalka Qatar Tamim bin Hamad Al Thani ayaa ka wada hadalay horumarinta iskaashiga iyo xiriirka labada dal, gaar ahaan dadaallada caalamiga ah ee lagu wajahayo xakameynta iyo ka hortagga cudurka COVID-19.

Madaxweyne Farmaajo ayaa xusay muhiimadda ay leedahay mideynta dadaallada lagu xakameynayo faafidda cudurkan safmarka ah, isagoo soo bandhigay mudnaanta ay leedahay in la xoojiyo iskaashiga ku aaddan is-weydaarsiga khibradaha, iyadoo gacan lagu siinayo Dowladda Federaalka Soomaaliya tayeynta laamaha daryeelka caafimaad oo dagaal xooggan kula jira cudurka COVID-19.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here