Madaxweyne Farmaajo oo xiriir la sameeyey Erdogan iyo ujeedka uu u wacay

farmaajo erdogan

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed ayaa xalay khadka telefonka kula xiriirey Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan.

War ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu wacay Erdogan, isla markaana uga mahad celiyey taageerada walaalnimo ee dalka Turkigu u soo direy Soomaaliya.

“Aniga oo ku hadlaya magaca shacabka iyo dowladda Soomaaliya, waxaan kaaga mahadcelinayaa mudane Madaxweyne iyo shacabka qiimaha leh ee Turkiga gargaarka deg-deg ah ee aad na soo gaarsiisey, taas oo naga caawineysa in aan ka hortagno cudurka COVID-19,” ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Dowladda Turkiga ayaa maalintii Sabatida Muqdisho ka dejisey diyaarad nooca Milteriga ah oo sidey agabka looga hortago cudurka COVID-19.

Kadib gargaarkaas, Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa Qoraal uu soo dhigay bartiisa twitter-ka ku yiri “Mashiinada neefta bixiya (ventilator) ee lagu sameeyey gudaha Turkey waxaa ku neefsan doona walaalaheen Soomaaliya, oo ay ka jirto mashiino yari aad u darran. Dareenkeena waxa uu mar walba la jiraa kuwa la caburiyo iyo dalalka baahida qaba.”

Kaalmadan agabka caafimaad ah ayaa isugu jirtay maaskaro , galoofyada ilaalinta leh, dareeraha gacmaha lagu nadiifiyo, dharka isku-joogga ilaalinta leh ee loogu talogalay xirfadlayaasha caafimaadka, qalabka lagu baaro COVID-19, qalabka neef-siinta (ventilators) iyo agab kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here