Madaxweyne Farmaajo waa inuu Xasuuqii Kalshaalle raaligelin ka bixiyaa

xasuuqi kalshaale

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo ayaa maanta raaligelin ka bixiyey dhibaataddii Dawladdii Kacaanka ka soo gaartay degaamadda Burco iyo hargeysa.

Talaabadaasi waa mid soo dhoweyn mudan, balse Madaxweyne Farmaajo wuxuu ilaaway inuu raalligelin ka bixiyo Xasuuqii Ciidamada Somaliland ay xoolo-dhaqata ugu geysteen degaanka Kalshaale iyo dhibihii kale ee Somaliland ka geysatay Goboladda Sool, Sanaag iyo Cayn sanooyinkii faraha badnaa ee ay maamulaysay sida;

Dilalkii ulakaca ahaa ama dadbanaa ee ciidamada Somaliland oo weliba saraakiisha dunuubtaa geysan jirtay lagu dalacsiin jiray, oo ay ka mid yihiin 4 qof ee taliyaha ciidanku Nuux Taani uu sheegay in Korneyl Caarre dilay oo lagu dalacsiiyey, kuwii inta la dilay xukuumadda Somaliland sheegtay in iyadda loo Aaso.

Caruurtii iyo dumarkii iyagoo banaanbaxa boobeyaasha culus iyo tiknikadda lagu cabudhin jiray rabitaankooda, taasoo sababi jirtay dhimaso iyo dhaawac.

Waxgaradkii iyo qoorweyntii magaalooyinka dhexdooda lagu dili jiray oo weli aanay Somaliland meel ku cadeynin, kuwaas oo u baahan cusub iyo cadaalad.

Madaxweyne Farmaajo markuu raaligelinta siinayey Beelaha Burco iyo hargeysa wuxuu ka hadlayey cadaalada iyo Garsoorka oo uu farayey in la adkeeyo, balse wuxuu meel uga dhacay oo aanu soo hadal qaadin, cadaalad darona ku sameeyey Boqolaal xoolo-dhaqato oo ciidamada Somaliland wax dhintay iyo wax dhaawaca ka dhigeen degaanka Kalshaalle.

Madaxweyne Farmaajo raaligelintiisu si cadaalad ah uma dhicin, waxayna mid caato a h oo kala dhiman, waxaana in wadahadal badani ka horeeyo oo cid waliba wixii ay qabto soo bandhigto, dhibkii loo geystay Gobolada dhexe ee SSDF ka dagaalamaysay ayaa ah waxaan la qarin, sidaas darteed waxaa ku waajibay inuu shacabka Goboladda Sool, Sanaag iyo Cayn raalligelin ka siiyo xasuuqii iyo dhibtii magaca Somaliland lagu gaarsiiyey, maadaama uu raalligelin ka bixiyey dhibaatooyinkii Kacaankii geystay, oo aanu isagu qabin.

Dadka Sool, Sanaag iyo Cayn dhibaatada ugu weyn waxay ku soo gaartaa midnimadda Soomaaliyeed oo aan maamulada dhinacyadu jeclayn, waana ku khasaareen midnimo jaceylkoodii.

1 COMMENT

  1. farmaajo raali galinta bilaash kuma bixin ee waa cusub baa u baryay. wuxuu indhihiisa ku arkay inay dagaal kii siyaasadaysna ee uu ku hayay kaga adkaatay.

    wuxuu indhihiisa ku arkay isagoo soo taagan in madaxweyne biixi si la meeqaam ah lana meeqaam ah madaxda caalamiga lagu qaabilay.

    wuxuu arkay sheekadii midnimada somalia iyo somaliland ee awal ba xamar ku koobnayd in gabal keedu dhacay.

    kolka intaanay socon sii raali gali weeye warkiisu.

    somaliland way socotay wayna duushay sidaas na way ku hirgalaysa, cidna waxba uma joojinayno. ama diidanow ama ogolow qaranimada somaliland waa lama taabtaan.

Leave a Reply to Binary Operation Cancel reply

Please enter your comment!
Please enter your name here