Madaxweyne Lafta Gareen oo si weyn Muqdisho loogu soo dhoweeyey

Laftagareen2

Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) ayaa maanta soo gaaray gudaha magaalada Muqisho, kadib safar uu maalmahaan ku joogay wadanka Turkiga.

Lafta Gareen & wafdigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde si weyn ugu soo dhoweeyey xubno ka tirsan golayaasha dowladda, qaar ka mid ah odayaasha iyo waxgaradka ku dhaqan magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa ka qeyb-galaya shirka wada-tashiga ee u dhexeeya dowladda federaalka, dowlad goboleedyada & gobolka Banaadir, kaas oo uu iclaamiyey madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Sidoo kale Madaxweyne Lafta Gareen ayaa qeyb ka noqon doono dadaallada & kulamada siyaasadeed ee ka socda gudaha caasimada, loogana arrinsanayo xaaladda dalka.

Si kastaba shirka beri ka furmayo Teendhada Afisyooni ayaa waxaa diirada lagu saarayaa xaaladda cakiran ee dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka.

Soomaaliya ayaa haatan wajaheysa xaalad adag oo kala guur ah, waxaana weli is mari-waa uu ka taagan yahay hannaanka loo wajahayo doorashooyinka 2021-ka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here