Madaxweyne Muuse oo Colaada Jidbaale u diyaraya wefti uu hogaaminayo Baashe Cali Jaamac iyo Faratoon, Koore oo

baashe cali jaamac iyo muuse

Xogaha laga helayo Madaxtooyada Somaliland ayaa xaqiijinaya in Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi uu qorsheynayo inuu wefti culus oo nabadeyn ah u diro beelaha walaalaha ah ee shaqaaqadu ku dhexmartay Jidbaale.

Sida la xaqiijinayo weftiga waxaa hormuud u ah Wasiir hore Baashe Cali Jaamac oo ah nin taageero balaaran ka haysta beelaha degaamadaas ku dagaalamay, kuwaas oo ah beelihii uu u qabtay shirarkii Awrboogays iyo Adhicadeeye.

Talaabadan Madaxweyne Muuse qaaday ee uu Mudane Baashe ugu dirayo nabadeynta degaamadaas ayaa ah mid aad loo soo dhoweynayo, iskuna soo jiidi karta labada dhinac.

Waxaa la sheegaya in Mudane Baashe Cali Jaamac ay socdaalkiisa ku wehelin doonaan Wasiir Yaasiin X maxamuud Xiir (Faratoon) iyo Saleebaan Yuusuf Cali Koore oo ah xubnihii sida weyn uga faaiiday shirarkii uu Baashe qabtay Awrboogays iyo Adhicadeeye, balse aan iyagu haysan taageerada dadka degaamadaas ku dhaqan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here