Madaxweyne Muuse raaligelin haka bixiyo “Soomaaliya waxay doonaysaa Beesha Dhexe”

osman i

Siyaasi Cismaan Ibrahim Warsame (Qawdhan) oo qoraal kula soo xiriiray shabakada xaysimo.com ayaa Madaxweynaha Somaliland kaga codsaday inuu raaligelin ka bixiyo hadal ay xukuumadiisu ku cadeysay in Soomaaliya u baahan tahay Beesha dhexe oo aanay xiisaynaynin beelaha darafyada. hadalka Siyaasiga ayaa sidan u dhignaa.

Xukuumadda Somaliland ayaa maalintii Xoriyada Somaliland ee 26 Juun magaalada Boorame ka cadeysay in Wadahadalada Soomaaliya iyo Somaliland ay Soomaaliya ku doonayso beesha dhexe, taasoo meel ka dhac ku ahayd Beelaha darafyada.

hadalkani wuxuu u markhaati furay dareen ay qabeen qaar ka mid ah beelaha Darafyada, kuwaas oo ku doodayey in Xukuumadda Farmaajo ay wadahadalada Jabuuti ku raaligelinayso beel ka mid ah beelaha Somaliland.

Mudane Madaxweyne, hadalkani ma ahayn hadal maalin xoriyadeed, beelaha darafyadana qabta, wuxuu ahaa mid kala fogaansho abuuraya, wuxuuna ka soo horjeeda khudbadii aad jeedisay markii aad ka soo laabatay shirkii wadahadalada Jabuuti oo aad ku dalbanaysay midnimada Somaliland daraf ilaa daraf.

Sidaas darteed Mudane Madaxweyne waxaa beelaha darafyadu xaq u leeyihiin inaad raaligelin ka bixisid hadalka Xukuumadaada ka soo yeeray, si ay meesha uga baxdo shakiga in Wadahadalada Soomaaliya iyo Somaliland lagu raadinayo Beesha Dhexe.

Daawo xukuumadda Somaliland oo cadeynaysa in Soomaaliya rabto beesha Dhexe.

Osman I Warsame

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here