Madaxweyne Qoor Qoor oo kulan gaar ah la yeehay Safiirka Talyaaniga

0
qoorqoor iyo safiirka talyaaniga

Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor iyo wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Galmudug Cabdirisaaq Maxamed Maxamuud, ayaa kulan la qaatay safiirka dowladda Talyaaniga u jooga Soomaaliya, Alberto Vecchi iyo ku xigeenkiisa.

Kulanka ayaa looga wada hadlay howlaha horumarineed ee dowladda Talyaaniga ka wado degaanada dowlad goboleedka Galmudug, sida lagu sheegay war ka soo baxay xafiiska Qoor Qoor.

Safiirka ayaa madaxda Galmudug u xaqiijiyay in dowladda Talyaaniga sii xoojin doonto teegerada ay la garab taagan tahay shacabka iyo dowlad goboleedka Galmudug.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Galmudug ayaa Safiirka iyo ku xigeenkiisa uga mahadceliyay garab istaaga dowladda Talyaaniga iyo maalgelinta mashaariicda horimarineed ee degaanada Galmudug.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here