Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye “Qoor Qoor” ayaa goordhow Muqdisho kusoo gaaray safarkiisii ugu horreeyey tan iyo markii loo doortay xilka madaxweynaha.
Qoor Qoor ayaa safarkiisa kusoo aaday laba maalmood kadib markii xilka laga tuuray ra’iisul wasaarihii xukuumadda Xasan Cali Kheyre oo ay saaxiib dhow ay ahaayeen.
Safarka Qoor Qoor ayaa lagu waramayaa inuu la xiriiro laba arrin oo mid ay tahay xaalada cusub ee kusoo korortay siyaasadda dalka iyo sidii uu madaxweyne Farmaajo ugu hadli lahaa isbadalka dhacay iyo in uusan saameyn ku yeelan shirka loo balansan yahay 15-ka Agoosto inuu dhex maro guddiyo ka socda Dowladda iyo maamulada gobolada.
Intaas kadib ayaa sida ay wararka qaar sheegayaan la filayaa in madaxweyne Qoor Qoor uu arrimo caafimaad u aado dalka Turkiga.