Madaxweyne Qoor-Qoor oo wacad ku maray soo afjarida arrin ka taagan Galmudug

qoorqoor

Madaxweynaha maamulka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) ayaa markale ku celiyay inuu maamulkiisu uusan aqbali doonin qalaalase iyo colaad kasoo cusboonata deegaanada Galmudug.

Wuxuuna wacad ku maray inay ka hortagi doonaan weerarada Al-Shabaab ay ka fuliyaan deegaanadooda, xili maalmihii u dambeeyay ay dhaq-dhaqaaqyo ciidan ka bilowday Galmudug kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab.

Qoor-Qoor ayaa hoosta ka xariiqay in madaxda sarre ee Galmudug ay diyaar u yihiin ka hortaga waxkasta oo horseedi kara colaado, isla markaana loo xoojin lahaa amniga guud ee deeganadooda.

Sidoo kale waxa uu sheegay in maamulkoodu uu gacan bir ah ku qaban doono kooxaha xagjirka ah ee ku howlan dib u dhiga horumarka Galmudug, sida uu hadalka u dhigay.

Kooxda Al-Shabaab ayaa muddooyinkii dambe weeraro ka dhan ah amniga ka geysatay deegaano ka tirsan maamulka Galmudug, gaar ahaan caasimada maamulkaasi ee Dhuusamareeb.

Wuxuuna imanaya hadalka madaxweynuhu xili ay deegaanadaasi isku urursadeen dagaalyahano ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo qorsheynaya inay halkaasi ka fuliyaan shirqoolada ka dhanka ah dowladnimada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here