Madaxweyne shirka aad ku baaqday waa in looga hadlo Doorashada, Ciidamada, caasimada iyo 13 xubnood IWM

farmaajo vs mh

Rabshadihii mudooyinkii ugu dambeeyey Muqdisho ka dhacayey waxay banaanka u soo saareen arimo badan oo u baahnaa in gunta laga soo dhiso, si looga baaqsado in mar dambe lagu laabto dhacdadii foosha xumayd ee 1991, balse Madaxweyne Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo uu ku deg degay oo maanta khasaaraheedii la hayo, loona baahan yahay in dib loo saxo.

CIIDAMADDA:

In la dhiso ciidamo loo dhan yahay oo ku saleysan nidaamka wax-qaybsiga ee degaamada iyo beelaha Soomaaliyeed 4.5 waa qodobadii ay ku dheganaayeen maamulada Puntland iyo Jubbaland, marka laga reebo tirada yar ee GORGOR, DANAB, DUUFAAN IYO HARAMCAD waxa kale waa ciidamo hal dhinac ah oo ka kooban Mooryaantii ay ururiyeen Shiikh Shariif iyo Xasan Shiikh oo la diiwaangeliyey, guud ahaanba Ciidamadu waa kuwo hal dhinac ka raran, maxsuulkoodiina wuxuu noqday inay qabiil la saftaan oo maanta ay caasimadii kaantaroolo dhigteen, dadaalkii Madaxweyne Farmaajona waxay ka dhigeen nin 4 sano mooryaan mushahar siinayey.

CAASIMADDA:

Si looga digtoonaado wixii 1991 dhacay iyo caasimad hal reer leeyahay oo markuu doono dawladda iyo shacabka kale ka barakicin karo, waxay ahayd in umadda Soomaaliyeed ka fekerto degaan lagu wada kalsoonaan karo oo Caasimad laga dhigto, nasiibdaro cid kasta oo 4-tii sano fekerkaas soo hadal qaada dawladu ma soo dhoweyn.

Maanta waxaa taagan in Qarankii Soomaaliyeed uu noqdo mid hal reer marti ah, oo markay doonaan ay dowladnimadii burburin karaan, oo 1991 ku celinayaan, oo Madaxweyneyaashii wadanka soo maray ay isbaaro dhigteen xaafadihii Magaalada, kaba sii darane ceeb uma yaqaaniin, waxay u haystaan siyaasad.

13 XUBNOOD EE GOBOLKA BANAADIR:

Dadka Magaalada Muqdisho waxay ka soo jeedaan beelaha Soomaaliyeed ee 4.5 wax ku qaybsada, qofkii rabaana kursigiisa Muqdisho waa ula soo wareegi karaa, laakiin ma saxnayn in Madaxweynuhu uu khalkhal geliyo saami-qaybsigii dalka oo uu beel sadbursiiyo u raadiyo, dadka Muqdisho 4.5 ayey ku jiraane khuraastii xamar beelahoodii baa haysta ee Muqdisho hawla soo wareegeen.

TALO SOO JEEDIN:

Si loo dhiso Dawladnimo Soomaaliyeed oo sal adag leh.

Si looga baaqsado Caasimad reer leeyahay oo markay doonaan burburin karaan.

Si loo helo Ciidan Qaran oo lagu wada kalsoon yahay.

Si loo ilaaliyo saami qaybsigii Beelaha.

Mudane Madaxweyne, waxaa loo baahan yahay in shirka aad ku baaqday uu noqdo oo aad ogolaatid in lagaga hadlo arimaha muhiimka u ah dhismaha Qaranimada Soomaaliya sida:

  1. Caasimad cusub oo lawada leeyahay oo Soomaaliya yeelato Tusaale Baraawe, Garoowe iyo Ceerigaabo iwm, hadaan Soomaali Caasimad cusub sameysan Adiguna Reer baad marti u ahayd, Madaxweynaha kaa dambeeyana wuu u noqon, dalkuna wuxuu ahaan doona mid marba Mooryaankii baad loo diidaa uu burburiyo.
  2. Dhismaha Ciidan Qaran oo degaamada Soomaaliya ka soo wada jeeda, oo lagu wada kalsoon yahay.
  3. 13 xubnood ee aad ku maamuustay Gobolka Banaadir Waa inaad sidaad uga noqotay Xeerkii Jihaynta doorashada aad uga noqotid, waa sadbursiinyo iyo khalkhalgelin saamiqaybsiga Soomaalida.
  4. In doorashada Gudoonka Baarlamaanka iyo Madaxweynaha lagu qabto Gobolada kale ee dalka sida BAYDHABO, maadaama ay muqdisho noqotay degaan ay khalkhal gelin karaan Maleeshiyo beeleed oo aan amaankeeda laysku halayn karin.

Mudane Madaxweyne farmaajo caqabadahan iyo kuwo la mid ah oo aad wax ka qabataa waxay saameynaysaa mustaqbalka Soomaaliya

Waxaa Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ku waajib ah inay ku adkeystaan dariiqii ay ku taagnaayeen ilaa laga saxayo talooyinka kor ku xusan oo dan u ah dhamaan umadda Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here