Madaxweyne Waare oo ku baaqay in Galmudug laga dhiso maamul lamid ah Hirshabelle iyo K Galbeed

madaxweyne waare

Madaxweynaha Dowlad goboleedka HirShabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa ka hadlay howlaha dhismaha Galmudug oo ay dowladda Soomaaliya ka wado Magaalada Dhuusamareeb, isaga oo ka digey in doorasho khalalaaso keenta ay ka dhacdo Galmudug.

Waare ayaa sheegay in waqti badan ay qaadatay in Maamul loo dhan yahay laga dhiso deegaannada Galmudug, haseyeeshee ay muhiimn tahay in la dhiso doorasho loo dhan yahay oo aan dhibaato ka dhalan lana musuq maasuqin.

“Maamulka nala deriska ah ee Galmudug dhismihiisa foosha ayaa ku daahday, tusaalaha koonfur Galbeed qaata, waxaana leeyahay dowladda halkaas yeysan ka dhicin doorasho khalalaaso ka dhasha oo la isku fahmi waayo ayuu yiri” Madaxweyne Waare.

Ugu dambeyn waxaa uu ugu baaqay Madaxda Dowladda Federaalka in Maamul Goboleedyada wadashaqyenta la leh ee Koonfur Galbeed iyo hirShabelle oo kale uu noqdo Maamulka loo dhisayo Galmudug si uu u dareemo dowladnimada.

Hadalkan ayaa Madaxweynaha HirShabeelle waxaa uu ka sheegay munaasabad loogu dabaal degayay sanadguuradii 1aad ee markii loo doortay Madaxweynaha Koonfur Galbeed ee C/Casiis laftagareen oo lagu qabtay Baydhabo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here