Madaxweyneyaasha Somaliland waxaa cagliga ka qaada dhiigga iyo dhagarta shacabka SSC (HARGEYSA 1988 vs LAASCAANOOD 2019)

0
siilaanyo muuse

Hadaad la yaabtay ama aad dhacdo dhifa u haysatid hadalkii Taliyaha Ciidamada Somaliland Nuux Ismaaciil Taani ku sheegay in General Caarre dilay 4 qof oo reer Sool ah kuna dalacsiinay, dhacdadan oo kale degaamadaas waa ka caadi.

Beryahanba Hargeysa waxaa ku xanibnaa odayaasha qoys reer Sool ah, kuwaas oo sadex qof oo Ciidamada amnigu ka dileen magtoodii u xaniban.

Waxaa xusuusin mudan in Madaxweynayaasha Somaliland marka la doorto ay iskula qaadaan Gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn markay dhiig iyo dhagar ka geystaana uu caqligu ka tago.

Madaxweyne Siilaanyo waxaa talo iyo tusmo ugu dambeysay markuu fuliyey xasuuqii kalshaale ee Berkadaha, Madaxweyne Muuse-na waatuu isagoo karaya oo AWOOWEYAASHIIN IYO AABEYAASHIIN baan caydhsan jiray leh yimid, waxaa dejiyey weerarkii Tukaraq ee kumaakumka qoys ku barakaceen iyo isku dilkii beelihii walaalaha ahaa Dhumay, kuwaas oo inta laysku hubeeyey, laysku daawaday, maalintii ergooyinkii Jigjiga loo qaaday baa Madaxweyne Muuse talo iyo Tusmo ugu dambeysay, Somalilandna Autopilot bay ku jirtaa. kala bar waqtigiisii wuxuu ku dhamaaday muranka 7 xubnood gudi ah, inta u hadhayna muranka Caarre, dalkana ciidan mooye caqli kama shaqeeyo.

Haday isku kaa qaban weydo Somaliland baa nala yiraahdaa, Qaran baanu nahay, cadaalad iyo isjeceyl baanu ku wada noolahay, dimoqraadiyada ayaan dhameynay, Soomaaliya hanala hadasho anagoo mid ah, hadana taliyeyaasha ay TV-yada kaga faanayaan hebel intaas oo qof buu dilay oo lagu dalacsiiyey, iyo adba intaas baad dishay, waxaad fahmaysaa marka aad Laascaanood tagto, waxaadna soo xusuusanaysaa Hargeysa 1988 intii aan laga qaxin.

Markiiba waxaad dareemaysaa inaad goob ciidan soo gashay, iyadoo wixii ciidan Somaliland lahayd ay degaankaas joogaan, Magaalada duleedkeeda waxaa degan nin booskii Gaani u dhigma oo degaamadaas u sareeya, waxaa loogu yeedhaa Taliyaha aaga barri, Jeneraal Cali Barre, odayaasha ayuu marba qoys u jeedhaa sidii Gaani iyo Moorgan oo shir QAYBI OO XUKUN AH la yeeshaa, haddii dhowr Caruur iyo dumar ahi banaan baxaan markiiba magaalada wuxuu ku soo daayaa gaadiidka tiknikada loo yaqaano, waxaana shicib aan hubaysnayn lagu ridaa qoryaha lidka diyaaradaha, banaanbixii ugu dambeeyey ee bishii tagtay 3 qof ayaa si xun loo dhaawacay.

Markaad magaalada soo gashid oo aad dhanka Burco ka timaadid waxa ugu horeeya ee Habeenkii ku qabanayaa waa Toos if badan, waxaa lagu magacaabaa guutada 7aad, waa ciidan aan tababar qabin oo nooca caaglaha loo yaqaan, waxay qabtaan shaqadii Hangashta, waxaa isaga hooseeya oo labo sarkaal aan kuuliyado soo marin (dhagaxleyaal xidigo loo xidhay), waa MAHAD CANBAASHE IYO IBRAAHIM ASKIR, waxaa Madaxda Ciidamada iyo Madaxtooyaduba ku amaanaan marba siday u toogtaan shacabka aan hubaysnay, weliba waxaa shacabku sheegayaa inay iyagu marka hore banaanbaxa iyo rabshadaha soo abaabulaan, dabadeedna soo sheegaan, marka dambena xabada ku bilaaban, intaas waxaa u sii dheer dambeyada kale ee loo tirinayo, sida ku habsiga iwm. Waxay qayb ka yihiin qorshaha qaybi oo xukun, waxaa ku waajibay in baaris caalamiya lagu sameeyo oo wax laga weydiiyo waxay ka ogaayeen dhamaan wixii dad Laascaanood lagu dilay intii Somaliland ka talinaysay, si toos ah ama dadban, iyo kuwii banaanbax loogu marmar siinyooday.

Odayaasha Hargeysa ku xaniban magtay doonayaan waxaa ku jira gabar Ciidamadu gaari jiirsiiyeen oo jidhkeedii oo dhan burburiyey, welise nool, JAALLE MA KU GAADHAY BUU YIDHI OO ISKA DHAQAAQAY, Madaxtooyada ayaa waxyar ka bacdi soo hadleysa oo odhanaysa Qaranka u aasa ama u soo sima, taas oo ah qorshe dilka shacabka lagu dhiirigelinayo, waxba ma ahaateen haddii ehelkii dadkiisa la dilay si sharaf leh magtiisa loo siinayo, waa inuu Hargeysa yimaadaa oo intuu helayey in ka badan kaga baxdaa.

Xoriyada hadalka Xildhibaan Dhakool baa ugu dambeeyey suuqaa si sharci daro ah looga afduubtay, mudo dheer buu nin qool ugu jiray, dadka kale maxaad moodaysaa, maalintii banaanbax yari magaalada Laascaanood ka dhaco tobanaan qof baa ciqaab jamaaci ah loo xidhaa oo xabsiyada iyo saldhigyada lagu xeraystaa.

Hadaad maqashid Madaxweyne Muuse Biixi oo leh Shacabka Sool iyo Sanaag waa reer Somaliland, nabadgelyo ayaa ka jirta, Somaliland way difaaci doonaan, waxay la mid tahay CIYAARIHII GOBOLADA AYAA HARGEYSA KA SOCDA IYADOO LAGU KALA QAXAY, Waayo qofna meel lagu dulmiyayo ma jeclaanayo.

Dad Sool, Sanaag iyo Cayn Prof Cali Khaliif baa ugu dambeeyey oo waa tuu cadeeyey inaan Somaliland lagu wada socon.

Waxaa Xaqiiqo ah in wax kasta oo SNM dawladdii Somaliya ku eedayn jirtay ay Laascaanood ka dhaceen.

Beesha Caalamka iyo Umadda Soomaaliyeedba waxaa ku waajib ah inay gacan ka geystaan sidii baadhis caalamiya loogu sameyn lahaa dadkii degaamadaas lagu dilay ee cid dishay aan loo qaban, maadaama Taliyeyaashii Ciidamada Somaliland isku cadeeyeen tacadiyadii ay degaamadaas ka geysteen, illaa xasuuqii Kalshaale ee Xirsi Xaaji Xasan horboodaha ka ahaa.

Sidoo kale waa inaan wax wadahadal ah la furin ilaa meel laga saarayo arinta Gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn.

Daawo Nuux Taani oo cadeynaya in Caarre lagu dalacsiiyey dilka sacabka

Daawo Caarre oo cadeynaya sida ay beelaa isugu hubayn jireen:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here