Madaxweynihii hore ee Galmudug oo baaq u diray Hogaanka Ahlu Sunna

cabdikariim xuseen

Madaxweynihii hore ee maamulka Galmudug Cabdi kariin Xuseen Guuleed ayaa soo dhaweeyay mudo kordhin Gudoonka Baarlamaanka Galmudug iyo guddiga doorashada u sameeyeen xiliga ay dhaceyso Doorashada Madaxweynaha iyo kuxigeenkiisa.

Waxa uu sidoo kale Mr Guuleed Baaq muhiim ah u diray Hogaanka sare ee kooxda Ahlu Sunna oo hada ka biyo diidsan dhismaha maamul loo dhan yahay ee yeelato Galmudug kuna doortay Dhuusomareeb maamul cusub.

Halkan ka Akhriso Qoraal uu soo saaray Cabdikariin Guuleed

Waxaan soo dhaweynayaa bogaadinayaana muddo kordhinta ay gudoonka Baarlamaanka ee Galmudug xiligii doorashada ku sameeyeen, si dadaalada wadahal iyo wax isku soo jiid fursad loo siiyo.

Waxaana ku boorinayaa gudoonka Baarlamaanka inay dadaal weyn ku bixiyaan qancinta dhinacyada kala duwan, gaar ahaan culumada Ahlu Sunna.
Dhanka kale waxaan culumada Ahlu Sunna ku boorin lahaa inay u turaan una tanaasulaan bulshada reer Galmudug oo aan muddo intaan ka badan maamul la,aan sii ahaan karin.

Waxaana ka loo culumada Ahlu Sunna ku boorin lahaa inay ogaadaan in la gaaray xiligii ay gali lahaayeen kuna milmi lahaayeen nidaamka dowladnimo ee Galmudug, ayagoo garwaaqsanaya inaysan dhici karin sii jirista nidaam siyaasadeed, maamul iyo ciidan oo hareer socda midaamka dowladeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here