Mahama oo ka laabtay inuu noqdo ergeyga gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya

John Dramani Mahama ergey afrika

Madaxweynihii hore ee Ghana John Mahama ayaa warqad uu u qoray guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika uga laabtay aqabalaaddiisii aheyd inuu noqdo ergeyga gaarka ah ee Midowga Afrika ee xal u helidda is-mari waaga doorashada Soomaaliya.

Mahama ayaa warqaddiisa ku sheegay in muhiimadda siyaasadeed ee sare ee shaqada loo igmaday ay u baahan tahay in ergeyga uu helo taageerada buuxda iyo wada-shaqeynta dhammaan saamileyda siyaasadda Soomaaliya.

Go’aanka uu qaatay Mahama ayaa yimid kadib markii dowladda federaalka ay kasoo horjeesatay magacaabistiisa ayada oo sheegtay inuu xiriir dhow la leeyahay dowladda Kenya, oo ay kala dhaxeyso xiisad siyaasadeed. 

Dowladda federaalka ayaa sidoo kale warqad ay u qortay Midowga Afrika ku sheegtay in kulanka uu ra’iisul wasaare Rooble isugu yeeray madaxda maamul goboleedyada ee ka dhacaya Muqdisho uu ka dhiggan yahay inaan loo baahneyn ergeyga Midowga Afrika. 

Mahama ayaa warqadda uu u qoray Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat waxa uu ku sheegay in taageero la’aanta dowladda federaalka Soomaaliya ay halis gelin karto hanaanka oo idil, islamarkaana waxyeeleyn karto rajada dunida ay dhan ay ka qabto inuu nabad kusoo dabaalo Soomaaliya.

Mahama ayaa sheegay inay ka go’an tahay inuu taageero aragtida Midowga Afrika ee ku aadan Afrika oo is-dhexgasha, barwaaqo iyo nabad ah, oo Soomaaliya-na ay ku jirto.

Ma cadda, tallaabada xigta ee uu Midowga Afrika qaadi doono, waxaana suurta-gal ah inuu sugo shirka ka furmaya Muqdisho, oo haddii heshiis lagu gaaro aanu soo magacaabin ergey kale. 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here