Man City oo guul soo laabasho ah ka gaartay Real Madrid

UEFA champions league

Labo kulan oo ka tirsan lugta hore ee wareega 16-ka tartanka kooxaha Yurub ee UEFA Champions League ayaa caawa oo Arbaco ah laga ciyaaray qaarada Yurub.

Kooxda Manchester City ayaa hal lug la sii gashay wareega siddeed dhamaadka ee tartanka kooxaha Yurub ee Champions League, ka dib markii ay guul soo laabasho ah oo 2-1 ah ka gaartay kooxda Real Madrid oo marti loogu ahaa gurigeeda Santiago Bernabeu, lugta hore ee wareega 16-ka.

Kooxda Real Madrid ayaa goolka la hormartay waxaana u dhaliyay Isco, balse labo gool oo afar daqiiqo gudahood ku dhaliyeen Gabriel Jesus iyo Kevin De Bruyne ayaa Manchester City ka caawiyey in ay kooxda ugu hanashada badan tartankan ay guul taariikhi ah ka gaarto.

Real Madrid ayaa ciyaarta ku dhameysatay 10 ciyaaryahan, markii dhammaadka ciyaarta kaarka cas loo taagy Sergio Ramos oo maqnaan doona kulanka lugta labaad oo ka dhici doona magaalada Manchester 17-ka besha soo socota ee Maarso.

Dhanka kale Juventus ayaa guuldaro 1-0 ay ka soo gaartay kooxda Faransiiska ee Lyon oo marti loo ahaa lugta hore ee wareega 16-ka Champions League.

Lyon ayaa hoggaanka ciyaarta qabatay daqiiqadii 3-aad, markii uu shabaqa soo taabtay Tousart, waxayna ku guuleysatay inay shabaqa ka ilaashato Juventus ka hor lugta labaad ee Torino ka dhacaysa 17-ka besha soo socota ee Maarso.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here