Maraykanka oo afka furtay ka dib tijaabadii gantaalka aan laga hortagi karin ee Shiinaha

gantaal chinese

Sarkaalka ugu sareeya ciidammada Maraykanka, Mark Milley, ayaa xaqiijiyay in Shiinuhu uu dhawaan tijaabiyay gantaal xambaara nukliyeerka kaas oo ku wareegay dhulka.

General Milley ayaa dhacdadan ku tilmaamay mid aad looga walaaco, wuxuuna sheegay in ay soo jiidatay dareenka dhammaan ciidammada. Wuxuu TV-ga Bloomberg u sheegay in tijaabadii dhawaan ee gantaalka xawaarihiisu dheereeyo ee Shiinaha uu u dhowyahay inuu noqdo Sputnik– dayax-gacmeedkii ugu horreeyay ee 1957-kii ee Soofiyeedka– kaas oo huriyay tartanka hawada sare ee Dagaalkii Qaboobaa.

Gantaalada Hypersonic waxay ku socdaan xawaare ka badan lix kun oo kiilo mitir saacadii, taasoo ka dhigaysa mid aad u adag in la ogaado ama la burburiyo.

Qaar ka mid ah siyaasiyiinta iyo falanqeeyayaasha Mareykanka ayaa ka naxay horumarka muuqda ee Shiinaha, inkastoo xukuumadda Beijing ay durbaba beenisay warbixinta ku saabsan inay si xawli ah u hormarinayso hubkeeda xambaara nukliyeerka.

Hubka xawaarihiisa sarreeya ayaa in ka badan shan jeer waxa uu ka xawaare sarreeyaa dhawaaqa, haddii aan si kale u dhigno waxa uu saacaddii jarayaa xaawaare gaaraya 6,200 oo kilomitir.

Maxay yihiin hubka ICBMs iyo FOBS?

ICBM waa gantaal riddo dheer oo ka baxa jawiga dhulka ka hor inta uusan dib ugu soo laaban, isagoo raacaya dariiqa bar-tilmaameedkii loogu talagalay.

Nidaamka Bambaanada ee Orbital ama FOBS waxa uu gantaalada u soo mariyaa dhulka si ay u garaacaan bartilmaameedyada iyagoo isticmaalaya dhinac aan laga filayn.

Runtii bilihii la soo dhaafay tiro saraakiil sarsare oo Mareykan ah ayaa tibaaxay in horumarka noocan ah ee Shiinaha uu yahay khatar culus.

Nidaamyada FOB ma aha kuwo cusub.

Fikradan waxaa sii waday Midowgii Soofiyeeti intii lagu jiray Dagaalkii Qaboobaa waxaana hadda ay u muuqataa in Shiinaha uu soo nooleeyay.

Waxa uu Shiinuhu u muuqdo inuu sameeyay ayaa ah in la isku daro farsamada FOBS iyo tan hypersonic – waxay maraan cirifka sare iyagoo ka fogaanaya radaarka iyo difaaca gantaalaha . Laakiin sababtu maxay tahay?

“Beijing waxay ka cabsi qabtaa in Mareykanku uu adeegsan doono aaladaha casriga ah ee isku -darka awoodda nukliyeerka ee la casriyeeyay iyo difaaca gantaalada ,” ayuu yiri Mr Lewis.

“Haddii Mareykanka uu marka hore garaaco Beijing, nidaamka difaaca gantaallada ee Alaska waxaa laga yaabaa inuu awoodo inuu xakameeyo tirada yar ee hubka Nukliyeerka Shiinaha waana sababta uu Shiinaha u sameysanayo gantaallada ay adagtahay inay qabtaan difaaca hawada.”

Dhammaan quwadahii waawaynaa ee nukliyeerka waxay horumarinayaan nidaamyadooda laakiin wuxuu midba midka kale u arkaa si ka duwan kuwa kale, ayuu yidhi Aaron Stein.

Beijing iyo Moscow labaduba waxay u arkaan in hubka xawaarihiisu sarreeya ee hypersonics ay yihiin hab lagu hubinayo jabka difaaca gantaalaha, laakiin taa bedelkeeda, Mareykanku wuxuu qorsheynayaa inuu u adeegsado inay ku garaacaan waxa loogu yeero bartilmaameedyada adag sida waxyaabaha taageera xakameynta nukliyeerka, iyagoo adeegsanaya madaxyada caadiga ah ama kuwa aan nukliyeerka ahayn.

Gantaalka xawaarihiisu sarreeyo ee Ruushka
Qoraalka sawirka,Gantaalka xawaarihiisu sarreeyo ee Ruushka

Qaar ka mid ah dadka u ololeeya casriyeynta nukliyeerka Mareykanka ee degdegga ah ayaa u arkay tijaabooyinkii Shiinaha ee ugu dambeeyay inay yihiin kuwa la yaab ku noqday Mareykanka.

Laakiin khubarada qaar ayaan ku raaci doonin in tijaabadan uu Shiinuhu sameynayo ay tahay halis cusub. James Acton oo ka tirsan Carnegie Endowment for Peace International ayaa sheegay in Mareykanka uu u nugul yahay weerarka nukliyeerka ee Shiinaha tan iyo ugu yaraan 1980 -meeyadii.

Mr Lewis wuxuu ku nuuxnuuxsaday in waxa ugu muhiimsan hadda ay tahay in Mareykanka uu gaaro gabagabada saxda ah.

Caqabadaha ka imaan kara Ameerika dhammaantood waxay rabaan inay casriyeeyaan oo kor u qaadaan hubkooda nukliyeerka.

Dhammaan dadka Mareykanka la talinaya ayaa doonaya inuu casriiyeyo oo kor u qaado hubkiisa nukliyeerka.

Hubka Shiinaha, si kastaba ha ahaatee, wali waa uu ka hoseeya kan Mareykanka. Laakiin walaacyada ku saabsan difaaca gantaalaha Mareykanka iyo nidaamyada nukliyeeka ayaa waxay ku khasbeysaa in dhammaan dalalkan ay casriyeeyaan kuwooda.

Kuuriyada Woqooyi sidoo kale waxay ku dadaaleysaa inay casriyeyso awooddeeda nukliyeerka. Sida uu qoray Ankit Panda oo ka tirsan Carnegie Endowment, Waxay sidaasi u sameeynayaan in mustaqbalka ay helaan awood dheeri ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here