Maraykanka oo war cusub soo saaray dagaalka socda

Xoghayaha usa Antony Blinken

Xoghayaha arrimaha dibedda Maraykanka, Antony Blinken, ayaa sheegay in dalkiisa uu aad uga walaacsan dagaalka faraha ka sii baxaya ee ka taagan waddanka Itoobiya. Waxa uu dhinacyada dagaallamaya ugu baaqay inay degdeg u joojiyaan colaadda.

Blinken ayaa sheegay inuu Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta, kala hadlay xaaladda ka taagan Itoobiya, isla markaana uu la wadaagay walaaca uu Maraykanka ka qabo dagaalka oo uu sheegay inuu khatar ku yahay xasilloonida gobolka oo dhan.

“Waxaan dhammaan dhinacyada dagaallamaya ugu baaqeynaa inay tallaabooyin muhiim ah u qaadaan dhanka nabadda si loo ilaaliyo midnimada iyo madaxbannaanida dhuleed ee Itoobiya,” ayuu bartiisa Twitter ku qoray xoghaye Blinken.

Dagaalka ayaa u muuqda mid sii xoogeysanaya, xilli uu Ra’iisal wasaare Abiy Axmed ku sugan yahay furimaha hore, sida ka muuqata muuqaal Jimcihii ay baahisay warbaahinta dowladda.

Abiy oo hadal kooban ka jeediyay aag aan magaciisa la shaacin ayaa sheegay in ciidamadiisa ay guulo muhiim ah ka gaareen dagaalka.

“Cadowgu ma laha awood uu nagu hor-joogsado ama nagula tartamo, waana ka guulaysan doonnaa,” ayuu yiri Ra’iisal wasaare Abiy oo hawlaha xukuumaddiisa ku wareejiyay kuxigeenkiisa Demeke Mekonnen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here