Mareykan: Caro ka dhalatay nin madow oo Booliiska Atlanta dileen

banaanbax dil Rayshard Brook

Taliyaha Booliska Atlanta ayaa iscasishay kaddib marki uu Jimcihi askari boolis ah uu toogasho ku dilay nin madow ah oo gaarigiisa iska dhex hurday oo lagu magaacbo Rayshard Brooks.

Rayshard Brooks oo 27 jir ah waxaa fiidnimadi Jimacaha toogasha ku dilay askari boolis ah.

Maayarka magaalada Atlanta Keisha Lance ayaa sheegtay taliyaha booliska Erika Shield’s iney Sabtidi iscasilaaddeeda soo gudbisay.

Mudaharaadayaal careysan ayaa waddooyinka Atlanta isugu soo baxay iyaga oo dalbanaya in tallaabbo laga qaado askarigi dilka u geystay Mr Brook.

Fiidnimadi Axadda waxay mudaharaadayaal careysan ay xireen waddooyinka waaweyn ee magaalada Atlanta iyaga oo dab qabadsiiyey maqaayad cunnooyinka fudud lagu iibiyo oo uu ka dhacay dilka Mr Brook loo geystay.

Maqaayadda Wendy oo dab la qabadsiiyey
Maqaayadda Wendy’s oo dab la qabadsiiyey

Seddexdi toddobaad ee ugu dambeeyey kumannaan shacab ah ayaa mudaharaadyo ay uga soo horjeedaan dilki George Floyd loo geystay ka sameeynayey magaalooyinka waaweyn ee dalka Mareykanka.

George Floyd oo ahaa nin madow ah oo aan hubeysneyn oo booliska gacantoodana ku jiray.

Erika Shield’s ayaa taliyaha booliska Atlanta ahayd tani iyo December 2016-kii iyada oo ku dhawaad 20 sana ka soo shaqeysay waaxda booliska Atlanta.

Maayarka magaaladana waxay sheegtay Erika iney shaqadeeda boolisnimo ay ka sii wadneyso qaybaha kale ee booliska magaalada.

“Sababta oo ah taliye Shield’s waxay dooneysay Atlanta iney tusaale u noqoto isbeddel guud oo ka dhaca Mareykanka balse waxay codsatay iney xilka taliyaha booliska ka tagto iyada oo jawaab uga dhigeyso dilka loo geystay nin madow ah si ay kalsooni uga dhex abuurto bulshada iyo boliska” ayey tiri Maayar Bottom.

Mayor Bottom waxay sida oo kale dalbatay in shaqada laga eryo askarigi ku lug laha dilka Mr Brook loo geystay.

Jimcihi maxaa dhacay?

Xafiiska dambi baaraha Georgia wuxuu sheegay inu wado baaritaan ku saabsan dilka loo geystay Mr Brook iyaga oo ka duulay muuqaallada kameerooyinka maqaayadda dilka uu ka dhacay ay duubeen iyo dadka markhaatida ee dilkaasi goob joogga u ahaa.

Booliska waxay sheegeen in maqaayadda laga soo wacay loona sheegay Mr Brook inuu gaarigiisa dhex hurdo oo uu gaadiidka kale waddada ka xiray.

Booliskuna waxay sheegeen inuu diiday inuu booliska iisu dhiibo.

Waaxda dambi baaristu waxaa kale oo ay sheegtay muuqaal dhacdadaasi muujinaya oo gudaha maqaayadda laga soo duubay inuu muujinayo ka hor inta uusan gaariga ka soo degin oo uu askarigi korontada shoogga ku fiiqin.

“Kaddibna askarigi ayaa Mr Brook xabbad ku riday oo Mr Brook toogtay” ayey tiri warbixintu.

Dad goob joog ahaana waxay sheegeen iney arkayeen Brook oo yaalla dibadda hore ee maqaayadda Wendy’s iyo laba askari oo la tacaaleyso si ay gacmaha uga xiraan.

Waxyar kaddibna waxaa la maqlay xabbad dhaceyso iyo Mr Brook oo dhulka ku dhacay.

Isbitaalka marka loola carary waxyar kaddibna Mr Brook wuu geeriyooday. Mid ka mid ah askarti isku dayeysay iney ninkaasi qabtaan ayuu dhacdadaasi dhaawac ka soo gaaray.

Shacab ku mudaharaadaya bartamaha Atlanta

Xeer ilaaliyaha maamulka Fulton oo baaritaan gooni ah dhacdadaasi ku sameeyey wuxuu sheegay qareenka u doodaya qoyska Mr Brook iney xaq u laheen iney xoog adegsadaan balse bistooladda korontada uu askarta ku soo taagay Brook uu ahayn hub wax dila.

“Qofka waxaad toogan kartaa marka qori kuugu soo taago oo keli ah” ayuu yiri xeer ilaaliye Chris Stewart .

ABC News waxay sheegtay askarigan inuu yahay kii 48-aad oo dil geysta oo kiiskiisa baaritaan uu ku hayo xafiiska dambi baarista Georgia, 15 ka mid ah kiisaskaasina ay noqdeen dil.

Wargeyska New York Times wuxuu sheegay tira dad ah oo mudaharaad sameeynaya iney isugu yimaaddeen afaafka hore ee maqaayadda Wendy’s.

Madaxweyne Trump wuxuu Jimcihi sheegay kiisaska tuhmanayaasha in loo baahan yahay guud ahaan in la soo afjaro.

Wuxuu sida oo kale madaxweynaha uu dib u dhigay iisu imaadki ololaha doorashada ee ugu horreeyey oo uu qaban lahaa Tulsa ee gobolka Okolahoma tani iyo marka uu coronavirus ka dillaacay dalka Mareykanka.

Maadaamaa ololaha uu ku soo beegmay xuska Tulsa oo sanad walba lagu xuso xilliga uu soo gabgaboobay addoonsiga Mareyknaka.

Mr Trump oo ololahiisa qaban lahaa 19-ka bisha June wuxuu dib u dhigay hal maalin oo ku beegan 20-ka June, taasoo ka dhalatay cambaareyn xooggan oo loo soo jeediyey Mr Trump.

Tulsa waxaa ka dhacay xasuuqi ugu xumaa oo dadka madowga Mareykanka loo geystay taariikhda dalkaasi, xasuuqa oo dhacay 1921-kii.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here