Mareykanka iyo Somalia oo go’aan ka qaatay Shabaab

Kheyre iyo africom

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre oo Muqdisho kulan la qaatay taliyaha howlgallada gaarka ah ee Mareykanka, Richard Clark ayaa kala hadlay arrimo ku aadan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Khayre & Clark ayaa kulankooda diirada lagu saaray, sidii loo laba jibaari lahaa howlgallada ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM ee ka socda koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Sidoo kale labada mas’uul ayaa go’aan ku gaaray in la’iska kaashado haatan wixii ka dambeeya, sidii dagaalyahannada Al-Shabaab looga saari lahaa guud ahaan dalka.

Kulankan ayaa sidoo kale lagu soo qaaday arrimo la xariira iskaashiga ammaanka ee ee dalalka Soomaaliya iyo Mareykanka, howlgallada isku dhafka ah iyo dib u habeynta ciiidamada Xoogga dalka oo la filayo in dhowaan amniga au kala wareegaan AMISOM.

“Sidii Al-shabaab looga saari lahaa dhulalka ay ka maamulaan Soomaaliya, Mareykankuna waa uu nagu taageeray, sidoo kale waxaan ka wada hadalnay iskaashigeenna amaanka, howlgallada isku dhafka ah iyo dib u habeynta Ciiidanka amaanka Soomaaliya.” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay xafiiska Ra’iisul wasaaraha.

Mareykanka ayaa ka mid ah dalalka Soomaaliya ka taageera dagaalka adag ee lagula jiro kooxda Al-Shabaab, waxaana duqeymo ka dhan uu ka fuliyaa gudaha dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here