Mareykanka Madax goboleedyada ugu baaqday inay shirka shuruud la’aan kaga qeybgalaan

US embassay

Safaaradda Mareykanka ayaa farriin culus oo ku aadan is-mari waaga siyaasadda Soomaaliya u dirtay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo madaxda maamul goboleedyada.

Safaaradda ayaa Madaxweyne Farmaajo ugu baaqday inuu xaqiijiyo in si buuxda looga wadaqeyb galo shir madaxeedka doorashada, islamarkaana uu dhameeyo heshiis doorasho, halka ay madax goboleedyada ugu baaqday inay ka qeyb-galaan ayaga oo aan shuruudo hordhac hor-dhigin.

“Waxaan ku boorineynaa Farmaajo inuu xaqiijiyo ka qeybgal dhameystiran oo ku aadan shir madaxeedka, uuna soo dhammeeyo heshiis doorasho. Waxaan ku boorineynaa Saciid Deni, Axmed Madoobe, Qoor Qoor, Cali Guudlaawe iyo Lafta-gareen inay ka qeyb-galaan ayaga oo aan shuruud ku xirin,” ayaa lagu yiri qoraalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here