MAREYKANKA: MAXKAMAD XUKUN KU RIDAY SOOMAALI XAASKIISII DILAY

jeel

Maxamed Abidaasis Keerow oo 48 jir ah, ayaa xeer beegtida San Diego ku xukuntay 26 sano oo xabsi ah ka dib markii lagu helay inuu xaaskiisa ku dilay magaalada Cleveland Heights ee gobolka California, sida ay baahisay warbaahinta Times of San Diego.

Horaantii sanadkan ayaa ninkan lagu xukumay dil darajada 1-aad ah, isagoo loo haystay geeridii Muna Salaad Kuru oo 36 jir ahayd. Muna ayaa waxa la dilay sannadkii 2019-kii.

Waaxda booliska ee magaalada San Diego ayaa Kerow u aqoonsaday inuu yahay tuhmanaha dilka xaaskiisa, waxaana warsaxaafadeed Boolisku soo saaray ku sheegay inuu baxsaday lana raadinayo dilkeeda halka Kerow laba todobaad ka dib lagu xiray Panama.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here