Mareykanka oo ciidamo geeyey Kenya kadib weerarkii Al-Shabaab

us africom

Militariga Mareykanka ayaa ciidamo dheeraad ah shalay geeyey dalka Kenya, si loo xoojiyo amniga saldhigga Manda Bay oo Axaddii ay weerareen maleeshiyada Al-Shabaab.

Weerarkaas ayaa xasarad cusub dhex-joojiyey Washington oo markii horeba la tacaaleysay is-marin waaga sii xumaanaya ee kala dhaxeeya Iran kadib markii ay dishay taliyihii ciidamada xulka ah ee Iran ee Quds, Jeneral Qassem Soleimani.

Taliska ciidamada Mareykanka Africa ee AFRICOM ayaa sheegay in Ciidamada Gurmadka ee Bariga Africa (EARF), ay shalay gaareen saldhigga Manda Bay.

“Ciidamada EARF waa ciidamo muhiim ah oo dagaal diyaar u ah, ciidamo deg deg u jawaaba.” Waxaa sidaas yiri agaasimaha howl-gallada AFRICOM, Maj. Gen. William Gayler.

Waxa uu sheegay in awoodda ciidamada ay u leeyihiin inay goobo aad u baaxad weyn uga bixiyaan jawaabo deg deg ah, ay xoojin qiimo leh u tahay saldhigga marka loo baahan yahay.

Taliska ciidamada Mareykanka ee Africa ee AFRICOM ayaa sidoo kale shalay sheegay inay qiimeynayaan in weerarkii Manda Bay ee Al-Shabaab uusan wax xiriir ah la lahayn Iran, sida dadka qaar ay tuhmayeen.

“Inkasta oo ku lug lahaanshaha Iran ee weerarkaasi aan la tuhmeyn, haddana AFRICOM waxay la socotaa in dalal kale oo Iran ay ku jirto ay raadinayaan inay saameyn ku yeeshaan Geeska Africa.” Ayaa lagu yiri qoraal caawa kasoo baxay AFRICOM.

AFRICOM ayaa shalay xaqiijiyey in qof oo Mareykan ah lagu dilay weerarkii ay Al-Shabaab ee Manda Bay ee gobolka Lamu ee dalka Mareykanka. Saddexda qof ee la dilay ayaa ka koobnaa hal askari iyo laba qandaraasle, oo laa shaqeynayey wasaaradda gaashaandhigga.

Waxaa sidoo kale weerarka lagu dhaawacay laba askari oo kale oo Mareykan ah, oo xaaladdooda ay hadda wanaagsan tahay, sida lagu sheegay bayaanka AFRICOM.

Qoyska askariga ku dhintay weerarka ayaa xaqiijiyey in askariga la dilay lagu magacaabay Henry Mayfield, oo ahaa 23 jir.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here