Mareykanka oo dhaleeceeyay hadal Erdogan uu ka yiri colaadda Israa’iil iyo Falastiin

madaxweyne erdogan

Wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa ka hadashay hadal dhawaan kasoo baxay madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan oo ku saabsanaa colaadda Israa’iil iyo Qaza.

Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa sheegay in Erdogan u adeegsaday ereyo ka dhan ah dadka Yuhuudda isla markaana ay si xooggan u cambaareynayaan hadalladaas foosha xun.

Madaxweyne Erdogan wuxuu Israa’iil ku tilmaamay ‘dal dilaa ah’ xilli uu Isniintii ka hadlay dagaalka Israa’iil iyo Falastiin.

Wuxuu sheegay in go’aanka uu Mareykanka ku shaaciyay in Qudus ay tahay caasimadda Israa’iil ay sare u qaadi karto damaca Israa’iil ay dhiig badan ku daadin karto.

“Waxaan ugu baaqeynaa madaxweyne Erdogan iyo hoggaamiyeyaasha Turkiga inay ka fogaadaan hadallada horseedi karo qalalaasaha” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka.

Waxaana sidoo kale loogu baaqay Turkiga in uu kusoo biiro dadaallada Mareykanka eek u aadan joojinta colaadda Israa’iil iyo Falastiin.

Muxuu yiri Erdogan?

Madaxweyne Erdogan oo Isniintii ka hadlayay shir jaraa’id wuxuu sheegay “Arrinta ku saabsan in Mareykanka iyo dalalka ay ku dhawaaqeen in Qudus ay tahay caasimadda Israa’iil dabayaaqadii 2017-kii waxay sare u qaadi kartaa damaca dalka dilaaga ah ee ku saabsan dhiig daadinta”

Erdogan wuxuu si xooggan uga hadlay tallaabada madaxweynaha Mareykanka Joe Biden uu ku sheegay in heshiis dhanka hub iibinta uu la galay Israa’iil.

“Waxaan aragnay saxiixa Biden ee ansixinta heshiiska hubka uu la galay Israa’iil, 850 kun oo hub ah uu saxiixay”

Wuxuu ku eedeeyay Biden in uu taageerayo waxa uu ku tilmaamay dhiigga daadanayo ee shacabka Falastiin.

Weli waxaa socdaa dagaallada u dhexeeya Israa’iil iyo dagaalyahano Falastiini ah oo ku sugan marinka Qaza kaas oo galay maalintii tobonaad, xilli ay sare u sii kacayaan duqeymaha iyo gantallaada ay isku ridanayaan labada dhinac, dhawaaqa qalabka digniinta bixiya ayaa laga maqlayay bartmaha iyo Koonfurta Israa’iil xilli gantaallo laga soo tuuray dhinaca Falastiin ay ku dhacayeen halkaas.

Diyaaradaha dagaalka ee Israa’iil ayaa duqeymo dhowr ah ka fuliyay Qaza kuwaas oo inta badan ay ka geysatay magaalada Khaan Yuunis, Qaramada Midoobey waxay sheegtay in ilaa iyo hadda 50 kun qof oo falastiiniyiin ay ka baracakeen dagaallada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here