Mareykanka oo ka digay khatarta fool leh weerarada Internetka ee Ruushka

Internet Cable

Waxaa jiray dagaal dhanka internetka ah oo soo noqnoqday oo ku saabsan Ukraine kaas oo weli laga yaabo inuu cirka isku sii shareero, waa sida sarkaal sare oo ka tirsan sirdoonka Mareykanka uu u sheegay BBC.

Inkasta oo digniino laga soo saaray, haddana weerarrada dhanka Internetka ee reer Galbeedka ayaan illaa hadda waxba ka hirgelin.

“Laakiin Ruushka waa in aan la dhayalsan,” Rob Joyce, oo ah agaasimaha amniga internetka ee Hay’adda Amniga Qaranka ayaa sidaa yiri.

Dhanka kale, burcad-internet-ka ee madaxa-bannaan ee bar-tilmaameedsada Ruushka ee taageeraya Ukraine ayaa sidoo kale sare u sii qaada kara xiisadda, ayuu ka digay.

“Weli aad ayaan uga walaacsanahay hanjabaadaha soo baxaya ee la xiriira xaaladda Ruushka iyo Ukraine,” ayuu yiri Mr Joyce, oo ka mid ah saraakiisha ugu khibradda badan dhanka internetka ee Mareykanka.

La yaabkii ugu horreeyay ee ahaa in Ruushku uusan billaabin weerar dhanka internetka ah si uu u curyaamiyo kaabayaasha Ukraine markii uu dagaalku billowday ayaa lagu beddelay fahamka ah in ay jireen dhaqdhaqaaqyo aad uga daran sidii markii hore loo maleeyay.

“Ma ahayn hal weerar oo weyn. Laakiin waxaa jiray weerarro joogto ah,” ayuu yiri Mr Joyce.

Tan waxaa ka mid ahaa in Ruushku uu geeyo siddeed ama sagaal fayras oo ​​kala duwan si ay u tirtiraan nidaamyada kombiyuutarka. Talaadadii Mareykanka, UK, EU iyo dalal kale ayaa ku eedeeyay Ruushka inuu bartilmaameedsaday adeegga isgaarsiinta dayax gacmeedka ee ay isticmaalaan militariga Ukraine.

Laakin Ukraine ayaa si adag isaga difaacday, waxaana lagu mahadinaya waayo-aragnimada ay u leedahay weerarrada noocaas ah oo ay sannado badan wajahayeen.

Paul Chichester, oo ah agaasimaha hawlgallada ee Xarunta Amniga Internetka ee UK ayaa ku tilmaamay weerarka dhanka internetka inuu yahay “howlgallada joogtada ah ee dhanka internetka kaas oo ka soo horjeeda difaaca wadajirka ee aanu wadno”.

Ilaa hadda Ruushku kama jawaabin cunaqabataynta weerarrada internetka ee shirkadaha reer galbeedka ama kaabayaasha dhaqaalaha, sida qaar badan ay saadaaliyeen.

Laakiin saraakiil badan ayaa BBC-da u sheegay in ay ka walaacsan yihiin cunaqabateennada saameeyay dhaqaalaha Ruushka colaadduna ay weli sii socoto, taas oo ay suurogaltahay inay gaarto dhammaadka sanadka.

Burcadda wax jabsadda ayaa sidoo kale ah dhibaato

Mr Joyce ayaa sidoo kale ka digay in khatar kale oo adag ay ka imaan karto kooxaha jabsada internet-ka kuwaas oo bartilmaameedsaday Ruushka si ay u muujiyaan taageerada Ukraine.

Qaar ka mid ah saraakiisha reer galbeedka ayaa sheegay in arrintan ay ku noqotay mid lama filaan ah, kaddib markii uu billowday weerar dhanka internet-ka ah oo lagu bartilmaameedsanayeen hay’adaha iyo shirkadaha Ruushka, ayna daabaceen macluumaadkii laga soo xaday.

“Dhammaanteen waxaan dooneynaa inaan u riyaaqno dadka isku dayaya inay gacanta ka geysta xaaladdan. Laakiin dhab ahaantii waa dhibaato,” ayuu yiri Mr Joyce.

“Waxaan rabnaa inaan dalalka kula xisaabtano dhaqdhaqaaqyada burcada internetka ee ka yimaada gudaha dalalkooda. Markaa waa inaan taageernaa xeerarkaas caalamiga ah, waa inaan fahamnaa inay jiraan shuruuc, lagu xakameeyo dambiilayaasha noocaas oo kale.”

Hal khatar ayuu sheegay in ay tahay in Ruushku uu u fasiran karo weerarkan in uu taageero ka helo dawladaha reer galbeedka ka dibna uu dib uu weerar celin sameeyo.

Mr Joyce waxa uu sheegay in uu rumaysan yahay in tani ay qayb ka tahay in qaar badan oo ka mid ah kooxaha burcadda ah, ee ka hawlgala Ruushka, ay ku adkaatay in ay isticmaalaan kadhadhka deynta ee reer galbeedka iyo kaabayaasha dhaqaalaha.

Khudbadiisii ​​furitaanka ee shirka CYBERUK ee Wales todobaadkan, Agaasimaha Xarunta Isgaarsiinta ee Dawladda ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in kooxo sirdoon iyo milatari oo wadajir ah oo ka socda Ciidanka Internetka ee Boqortooyada Midowday ay ka hawlgalayeen burcadda dembiilayaasha – oo ay ka mid tahay inay dib u jabsadaan si ay meesha uga saaraan kaararka deynta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here