MAREYKANKA OO KA HADLAY WEERARKII AL-SHABAAB AY KU QAADEEN GUDAHA ITOOBIYA

AFRICOM Gen Stephen Townsend

Militariga Mareykanka ayaa markii ugu horeysay ka hadlay duulaanka ay kooxda Al-Shabaab ku qaadeen gobolka Soomaalida ee Itoobiya, halkaasi oo ay ka dagaalamayaan ku dhowaad 10 maalmood.

Taliyaha Taliska Afrika ee ciidamada Mareykanka (AFRICOM), Jeneral Stephen Townsend ayaa sheegay in ciidamada Itoobiya ay inta badan xakamayeen weerarka Al-Shabaab, balse ay kooxda Al-Shabaab awood u yeelatay inay illaa 150 km gudaha u galaan Itoobiya.

Townsend ayaa intaas ku daray in weerarka uusan aheyn mid soo boodo ah oo hal mar dhacay, balse uu qeyb ka yahay isku day ay kooxdan sare ugu qaadeyso weeraradeeda ka baxsan xuduudaha Soomaaliya.

Taliyaha AFRICOM ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in kooxda Al-Shabaab ay sii xoogeystay 18-kii bilood ee ciidamada Mareykanka ay ka maqnaayeen Soomaaliya.

“Waxay noqdeen kuwo sidaa hore ka ballaaran, ka xooggan kana geesisan, hadda waa inaan ka hortagnaa hindiseyaashooda,” ayuu yiri.

Ciidamada Mareykanka ee Soomaaliya oo gaarayey illaa 700 ayaa waxaa Soomaaliya looga saaray amar bishii Janaayo 2020 kasoo baxay madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump.

Hase yeeshee, Madaxweyne Joe Biden ayaa 16-kii bishii May amray in ciidankaas dib loogu celiyo Soomaaliya, maalin kadib markii la doortay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. 

Dagaalka Al-Shabaab ay Arbacadii 20-kii May ay ku galeen Itoobiya ayaa ahaa markii ugu horeysay ee kooxdaas ay si buuxda uga tallaabto xuduuddka Soomaaliya iyo gobolka Soomaalida Itoobiya.

Labada dhinac ayaa guulo ka sheegtay dagaalka, ayada Al-Shabaab ay sheegeen inay dileen 87 askari oo Liyuu Boolis ah, halka maamulka gobolka uu sheegtay dilka 254 Shabaab ah. 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here