Mareykanka oo ka walaacsan Isku dayga TPLF ay xasillooni darrada kaga abuureyso gobolka

ethiopia tigray

Mareykanka ayaa sheegay in uu ka walaacsan yahay waxa uu ku tilmaamay “Isku dayada iska cad ee xasilloonida darrada looga abuurayo gobolka” oo ay geysanayaan xooggaga daacadda u ah maamulka Tigray kaddib markii dhawaan dagaalyahanada TPLF ay gantaallo ku garaaceen Eritrea.

Tallaabadaas waxay muujineysaa in dagaalka Tigray uu ku baahi karo gobolka.

Mareykanka wuxuu sheegay in uu bogaadinayo go’aanka ah in Eritrea ay is xakameysay isla markaana ay dabacsanaan muujisay si ay uga hortagto in dagaalka uu baaho.

Xisbiga ka taliyo Tigray ee TPLF ayaa ku eedeeyay dowladda Eritrea inay xukuumadda Abiy ay kala shaqeyneyso howlgalka militeri ee ka dhanka ah gobolkaas, Eritrea ayaa beenisay eedeymaha loo jeediyay.

Ku dhawaad 30,000 qof ayaa ka qaxay dagaallada ka socda gobolka Tigray, kuwaas oo haatan gaaray Suudaan, waxaana sidoo kale dad kale oo ku barakacay gudaha dalkaas.hh

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here