Mareykanka oo ku baaqay in heshiis la gaaro inta aan la billaabin buuxinta biya-xireenka

gidaarka trump

Mareykanka ayaa sheegay inuu doonayo in heshiis kama dabeys ah laga gaaro wadahadallada seddex geesoodka ee bilooyinka qaatay ee u dhaxeeya Itoobiya, Masar iyo Suudaan oo ku saabsan biya xidheenka weyn ee ay Itoobiya ka dhiseyso wabiga Nile.

Bayaan ay soo saartay wasaaradda maaliyadda Mareykanka ayaa lagu sheegay wadahadalka biya xidheenka ku saabsan ee horay u soo socday iney ku saleysnaayeen biya xidheenka Itoobiya ay dhisaneyso in loo maareeyo si aan saameyn u geysaneyn waddamada kale uu wabiga sii maro ee Suudaan iyo Masar.

Balse Itoobiya looga baahan yahay inta arrinta wabiga heshiis kama dambeys ah laga gaarayo iney bilaabin biya keydinta biya xidheenka ay dhiseyso..

Biya keydintuna wuxuu Mareykanka shuruud uga dhigay heshiiska kama dambeysta ah oo ay seddexda dal oo ay arrinta wabiga quseeysa degdeg ku gaaraan.

Mareykanka oo baaqaasi u jeediyey seddexda dal haddana wuxuu si gaar ah uu u ammaanay dalka Masar sida ay diyaarka ugu tahay iney heshiiskaasi qalinka ku duugto.

Biyo xireenka webiga Nile
Biyo xireenka webiga Nile

Itoobiya oo shirki ugu dambeeyey ee 27-28 bisha January ka dhacay magaalada Washington ee carriga Mareykanka aan ka qayb gelin ayaa waxay u sababeysay iney weli u dhimman yihiin tashiyo ay guddiga wada xaajoodka u xil saaran arrinta wabiga la sameeynayaan guddiyada farsamada iyo kuwa sharciga.

Shirka Washington oo lagu waday in lagu soo gabagabeeyo heshiiska kama dambeys ah oo ay gaaraan seddexda dal waxaa shirkaasi dhexdhexaadiya ka ahaa Mareykanka iyo Bangiga Adduunka.

Wuxuuna Mareykanku sheegay inta ay seddexda dal ay ka gaarayaan heshiis kama dambeys ah oo wabiga Nile ku saabsan ka gaarayaan ay sii wadeyso doorkeeda dhexdhexaadineed.

Mowqifka Mareykanka uu iska taagay wadaxaajoodka seddex geesoodka ee u dhaxeeya Masar, Itoobiya iyo Suudaan waxaa si weyn uga soo horjeestay muwaaddiniin dalka Itoobiya u dhashay oo ku nool dalka Mareykanka iyaga oo dibad bax ka sameeyey magaalada Washington.

Halka ay shacab tira badan oo dalka Masar u dhashayna ay magaalada Qaahira ka sameeyeen isu soo bax ay ku taageerayeen mowqifka Mareykanka uu arrinta wabiga Nile iska taagay ee ah iney Itoobiya keydinta biyaha biya xireenka billaabi karin ilaa heshiis kama dambeys ah la gaaro.

Golaha wasiirrada Itoobiya oo mowqifka Itoobiya soo bandhigayna waxay sheegeen ineysan Marnaba aqbali doonin wax kasta oo sameyn u geysan kara ranbitaanka iyo danta ay Itoobiya ka leedahay wabiga Nile iyo biya xidheenka ay ka dhiseyso intaba.

.
Image caption.

Mowduucyada la xiriira

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here