Mareykanka oo markii ugu horreysay uu gaaray xayawaan duula oo dadka dila

0
Xoonka Aasiya

Iyadoo Mareykanka uu la daalaa dhacayo weerarka xanuunka coronavirus ee sida ba’an u saameeyay, waxaa haddana ku billowday cabsi kale oo aad u weyn, kaddib markii uu gaaray “xoonka dadka laaya”.

Xoonkan oo weyn, dhirirkiisuna la egyahay 2-inch ayaa lagu yaqaannay qaaradda Aasiya, laakiin waxaa markii ugu horreysay abid lagu arkay dalka Mareykanka, gaar ahaan xeebaha dhinaca galbeed.

Dhowr qaniinyo oo xayawaankan uu geysto ayey dadka u dhiman karaan. Dhinaca kale wuxuu xoonkan cadowga ugu weyn ku yahay shinnida, taasoo uu ka burburiyo dhammaan meelaha ay malabka ku sameysato. Ukumaha shinnidana waxaa cuna xoonka yar yar ee ka mid ah xeynta weerarka geysata.

Seynisyahannada Mareykanka ayaa hadda aad ugu mashquulsan sidii ay ula dagaallami lahaayeen xoonkan, ka hor inta uusan baabi’inin dhammaan shinnida ku nool dalkaas.

.
Waxay deg deg ku burburiyaan hoyga shinnida

Inkastoo ‘xoonka dilaaga ah’ ee Aasiya uu badanaa dadka ka weecdo, haddana qaniinyadiisa ayaa la aaminsan yahay inay sanad walba disho dad ka badan 50 ruux, sida uu qoray wargeyska New York Times ee kasoo baxa Mareykanka.

Wuxuu xayawaankan Waqooyiga America markii ugu horreysay gaaray bishii August ee sanadkii 2019-kii, xilligaasoo lagu arkay meel ka mid ah dalka Canada.

Dhowr bilood kaddib, bishii December ee isla sanadkaas ayaa xayayaankan duulaya laga soo sheegay meel u dhow xadka koonfureed ee gobolka Washington.

The Asian Hornets prey upon bumblebees
Xayawaankan wuxuu saacado gudahood ku baabi’in karaa shinni fara badan iyo hoygeeda

Jaamacadda Gobolka Washington ma hubto goorta iyo qaabka uu xoonkan markii hore ku tagay Waqooyiga America, laakiin dadka shinnida dhaqda ee ku nool gobolkaas ayaa bilihii ugu dambeeyay soo tabiyay dad u dhintay siyaabo argagax leh.

Seynisyahannada ayaa si deg deg ah xal u raadinaya, si looga badbaado xayawaankan oo dhaqdhaqaaqiisa nolosha ee ugu badan sameeya xilliga guda.

“Xoonka wuxuu ku socdaa tiro argagax leh”, ayuu yiri Todd Murray, oo ay seynisyahan ka tirsan Jaamacadda Gobolka Washington, sidoo kalena ah khabiir ku xeel dheer cayayaanka dalalka weerara.

“Waa cabsi dhinaca caafimaadka ah, wuxuuna si gaar ah khatar ugu sii yahay shinnida ku nool waddanka”, ayuu yiri.

Cayayaankan ayaa la eg cabirka baabuurta yar yar ee ay carruurta ku ciyaaraan, wuxuuna leeyahay madax weyn oo jaalle ah iyo indho madow.

Qeybtiisa dhexe ayaa isugu jirta midabka jaallaha iyo madowga.

“Waxay u muuqdaan sida kartoonka bahalka loo ekeysiiyo, marka aad eegto wajigooda weyn ee jaallaha ah,” ayey tiri Susan Cobey, oo ah khabiir shinnida ku takhasustay oo ka tirsan Jaamacadda Gobolka Washington.

A large Asian Hornet
Seynisyahannada ayaa rajeynaya inay xayawaankan ka cirib tiraan Mareykanka

Nolosha xayawaankan waxay billaabataa bisha April, markaasoo oo boqoraddooda ay kasoo baxdo qasriga – ayna billowdo inay wax cunto – iyadoo kuwa kalena ay ku daydaan.

Marka ay xilliga xagaaga bartaan sida la wax loo cuno, dhammaantood waxay xeryahooda uga soo baxaan si ay raashin u raadsadaan.

In kastoo waxa ugu horreeya ee ay bartilmaameedsadaan uu yahay shinnida iyo malabkeeda, waxay weerari karaan dadka, haddii ay khatar ka dareemaan.

Qaniinyadooda oo dhowr jeer ah waxay dili kartaa qof kasta, xitaa dadka aan xasaasiyadda qabin.

Dalka Japan, oo xayawaankan si weyn looga yaqaanno, waxay sanad kasta ku dilaan qiyaastii 30 ilaa 40 ruux.

“Markii uu i qaniinay waxaan dareemay xanuun weyn, waxayna ila ahyad sida anigoo bir kulul la igu dhajiyay,” ayuu yiri Conrad Bérubé, oo shinni ku dhaqda Jasiiradda Vancouver, oo weerar kala kulmay mid ka mid ah xayawananadaas.

A large Asian Hornet
Xoonkan wayn wuxuu dhowr qaniinyo ku dili karaa bani’aadanka

Seynisyahannada Jaamacadda Gobolka Washington waxay xilliga guga billaabi doonaan inay raadiyaan boqorrada xoonkan, si ay degdeg ugu cirib tiraan.

Shinnida ku nool dalka Mareykanka ayaa horayba cadaadis ula kulmeysay. Intii u dhaxeysay sanadihii 1947-kii iyo 2017-kii, tiro ka mid ah boqortooyooyinka shinnida waxay hoos uga dhaceen tiradii ay horay u ahaayeen ee ahayd 6 milyan, waxayna hadda gaarayaan 2.5 milyan oo kaliya.

Sanadkii lasoo dhaafayna, cilmi baareyaasha Jaamacadda Maryland waxay soo tabiyeen in 40% shinnida dalkaas ay ku dhinteen hal xilli oo qabow daran uu jiray, intii u dhaxeysay sanadihii 2018 ilaa 2019 – waana tiradii ugu badneyd ee hal mar baaba’da.

Cuntooyinka laga sameeyo malabka ayaa aad looga isticmaalaa Mareykanka, dhaqaalaha waddankaasna waxay sanad walba ku kordhiyaan lacag dhan $15bn (£12bn), sida laga soo xigtay waaxda beeraha ee Mareykanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here