Mareykanka oo qirtay inay 132 qof oo rayid ah ku dileen dalal Soomaaliya ku jirto

pentagon

Diyaaradaha dagaalka dalka Mareykanka ayaa duqeymo xiliyada qaar khasaaro xoogan kasoo gaarto dad rayid ah waxa ay ka fuliyaan dalal ay ku jirto Soomaaliya oo ay ka dagaalamaan ururo Mareykanka ku tilmaamo argagaxiso.

Warbixin ay soo saartay wasaarada difaaca dalka Mareykanka ee loo yaqaan Pentagon ayaa lagu sheegay ilaa sanadkii 2019-kii howlgalada milatari ee Mareykanka ka fuliyeen afar wadan lagu dilay 132-qof oo rayid ah halka lagu dhaawacay 91-qof oo kale.

Wasaarada difaacada Mareykanka ayaa warbixi sanadeedka ay soo saartay ku sheegtay in dadkan rayidka ah lagu dilay howlgalo milatarigooda ka fuliyeen afar wadan oo kala ah Afgaanistan, Ciraaq, Siiriya iyo Soomaaliya.

Waxaa lagu sheegay warbixinta kasoo baxday Pentagonka in dhamaan howlagalada milatariga Mareykanka fuliyeen sanadkii 2019-kii loo fuliyay si waafaqsan shuruucda dagaalka ay ku jirto sharciga ilaalinta dadka rayidka ah .

Ciidamada Mareykanka ayaa dalka Afgaaistan ku dilay 108-qof oo shacab ah halka ay ku dhaawaceen dad kale oo gaaraya 75-qof,dalalka Ciraaq iyo Siiriya ayaa sidoo kale Mareykanka ku dilay 22-qof halka ay ku dhaawaceen 13-qof kale oo shacabka.

Warbixinta kasoo baxday Wasaarada difaaca dalka Mareykanka ayaa lagu sheegay in gudaha Soomaaliya diyaaradahooda dagaalka ku dileen labo qof oo shacab ah sidoo kale ku dhaawaceen sadex qof oo kale oo shacab.

Wasaaada difaaca Mareykanka warixintan ay soo saartay ayaa kusoo aadaya xili Xildhibaano Mareykan ah wasaarada difaaca ka dalbadeen in sharaxada ka bixiso duqeymaha shacabka waxyeelada kasoo gaartay ay ka geesteen wadamo dibada ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here