MAREYKANKA oo saxaya qaladkii ka dhashay go’aankii Trump ee SOOMAALIYA

AFRICOM Gen Stephen Townsend

Dowladda Mareykanka ayaa isku dayeysa inay saxdo qaladkii iyo qatartii ka dhalatay go’aankii uu madaxweyne Donald Trump ciidamada Mareykanka uga saaray Soomaaliya, sida uu sheegay sarkaal sare.

Lix bilood kadib markii madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump uu si lama filaan ah ciidamadiisa ugala baxay Soomaaliya, maamulka cusub ee Joe Biden ayaa kawada hadlaya in dib loogu soo celiyo dalka.

Bishii December, Donald J. Trump wuxuu amar ku bixiyey in ciidammadu ka baxaan Soomaaliya taasoo qayb ka ah dadaallada caalamiga ah ee lagu doonayo in lagu dhimo tirada ciidamada la geeyay Soomaaliya.

Madaxa Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM ) Gen. Stephen J. Townsend, ayaa fikradihiisa ah in ciidamada Mareykanka dib loogu soo ceiyo Soomaaliya la wadaagay hoggaanka ugu sarreeya wasaaradda gaashaandhigga ee Pentagon.

Isagoo 29-kii June ka hadlayey Xarunta Istiraatiijiyadda iyo Daraasaadka Caalamiga ee EU ee Golaha Difaaca Washington ayuu Gen. Stephen J. Townsend sheegay inaan la dafiri karin qatarta ka dhalatay go’aankii sida lama filaanka aheyd ee ciidamada Mareykanka looga soo saaray Soomaaliya.

“Runtii ma dafiri karno dib uga bixitaankeenii Soomaalida ee sida lama filaanka aheyd horaantii sannadkan ay soo bandhigtay qatar iyo murugo, marka waxa aan isku dayeyno inaan sameyno waa inaan maareyno halistaas maadaama aan wali isku dayeyno inaan gacan ka geysano la-hawlgalayaasheena Afrika dhibaatooyinka ay la leeyihiin xagga amniga,” ayuu yiri Townsend.

Townsend ayaa sheegay in Pentagon-ka ay ku jiraan marxaladihii ugu dambeeyay ee go’aan looga gaarayo istaraatiijiyada ciidamada Mareykanka ee Qaaradda Africa.

“Waxaan horay iyo gadaalba ula soo xiriiri jiray hogaamiyeyaashayda rayidka ah ee Wasaaradda Difaaca, Xoghayaha Difaaca, anigoo siinaya xulashooyin, Waxaana u maleynayaa inaan xulashooyinkaas ku ilaalin doonno halka ay tahay inay ahaadaan sidaa darteed hoggaamiyeyaasha rayidka ah waxay fursad u leeyihiin inay go’aanadooda gaaraan,” ayuu yiri Gen. Stephen J. Townsend.

Ciidamada Mareykanka ee ka howlgali jiray Soomaaliya ayaa duqeymo iyo weeraro toos ah ku qaadi jiray xarumaha Kooxda Al-Shabaab ee Soomaaliya, waxayna sidoo kale tababaro siin jireen ciidamada Soomaalida iyo kuwa Midowga Africa ee AMISOM, si loo wiiqo awoodda Al-Shabaab ee Soomaaliya.

Qiyaastii 700 oo askari oo Mareykan ah ayaa laga soo saaray Soomaaliya kuwaas oo howlgal Military oo socday 10 sano kula jiray Al-Shabaab oo ah gacanta ugu weyn uguna dhaqaalaha badan al-Qaacidada adduunka.

Fikaradda ah in ciidamada Mareykanka la geeyo Soomaaliya ayaa waxaa lahaa Maamulkii uu hoggaaminayey madaxwneyihii hore ee Mareykanka Bush, waxaana duqeyntii ugu horeysay Soomaaliya laga fuliyey sanadki 2007, taasoo qeyb ka aheyd Istaraatiijyadii danaha Mareykanka looga difaacayey meelo ka baxsan dalkaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here