Mareykanka oo shaaciyey is-afgarad la xiriira doorashada oo ay la gaareen Rooble

US embassay

Qoraal kooban oo ka soo baxay safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa lagu shaaciyey is afgarad la xiriira qabashada doorashada oo maanta dhex maray ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo safiirka Mareykanka Donald Yamamoto.

Ugu horeyn qoraalka ayaa lagu sheegay in safaaradda Mareykanku ay mar kale  Ra’iisul wasaaraha ugu hambalyeyneyso xaqiijintiisa maanta soo idlaatay ee xilka ra’iisul wasaaraha dalka.

“Waxaan ku faraxsanahay inaan u hambalyeeyo Maxamed Xuseen Rooble markii loo xaqiijiyey inuu yahay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.”

Sidoo kale qoraalkan ka soo baxay safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa intaasi ku sii daray, “Waxaan maanta isku afgaranay [ra’iisul wasaaraha] ahmiyada ay leedahay in waqtigeeda lagu fuliyo heshiiskii doorashada, maamul wanaagga, iyo sii wadida dib u habeynta dhaqaalaha iyo amniga.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here