Mareykanka oo sheegay hal sabab oo uu kula dagaallami karo Shiinaha

Joe Biden-2

Madaxweyne Joe Biden ayaa sheegay in uu difaaci doono Taiwan haddii Shiinuhu uu soo weeraro, taas oo u muuqata in uu ka baxayo mowqifkii siyaasadeed ee muddada dheer uu Maraykanku arrintaas ka taagnaa.

Hase ahaatee afhayeen u hadlay Aqalka Cad ayaa markii dambe u sheegay qaar ka mid ah warbaahinta Mareykanka in hadallada Madaxweynaha aysan ka turjumayn isbaddal dhanka siyaasadda ah.

Maraykanka ayaa leh sharci u oggolaanaya in Taiwan uu ka caawiyo sidii ay isu difaaci lahayd.

Laakiin waxay si ula kac ah u caddaynaysaa waxa uu dhab ahaan samayn lahaa haddii Shiinuhu weerari lahaa Taiwan, taas oo loo yaqaanno “madmadow istiraatiiji ah”.

Shiinuhu wali kama jawaabin hadalka Madaxweyne Biden.

Maxay yiraahdeen Biden iyo Aqalka Cad?

Munaasabad ka dhacday hoolka CNN, ka qeybgale ayaa tixraacay warar dhawaan soo baxay oo sheegayay in Shiinuhu tijaabiyay gantaal aad u dheereeya. Wuxuu weydiiyay Mr Biden haddii uu “ku dhaaran karo ilaalinta Taiwan”, iyo waxa uu ka sameyn doono horumarka militariga Shiinaha.

Mr Biden ayaa ku jawaabay: “Haa” wuxuuna intaas ku daray in aan loo baahnayn in “laga walwalo in Shiinuhu uu sii xoogaysanayo”, waayo “Shiinaha, Ruushka iyo caalamka kaleba way ogyihiin in militari ahaan aan adduunka ugu awood badannahay”

Waxaa mar labaad su’aal ka keenay weriyaha CNN Anderson Cooper oo waydiiyey haddii Shiinuhu uu soo weeraro Taiwan in Mareykanku uu difaaci doono iyo in kale? “Haa, waxaa naga go’an inaan arrintaas sameyno.” Ayuu Biden ku jawaabay.

Afhayeen u hadlay Aqalka Cad ayaa markii dambe muujiyey in uu gadaal uga gurtay hadalkii Biden, asagoo warbaahinta u sheegay in Maraykanku uusan “waxba ka baddalayn siyaasaddiisa”

Maahan markii ugu horraysay ee ay arrintani dhacdo. Bishii August, Mr Biden ayaa mowqif kan la mid ah ka qaatay mar uu waraysi siiyey warbaahinta ABC News. Aqalka Cad ayaa sidoo kale sheegay in aan la baddalin siyaasadda Maraykanka ee Taiwan.

Maraykanku lama lahan Taiwan xiriir diblumaaiyadeed oo rasmi ah, balse wuxuu ka iibiyaa hubka asagoo adeegsanaya sharciga uga yaal xiriirka Taiwan, kaas oo dhigaya in Maraykanku uu jasiiraddaas siiyo taakulada ay u baahan tahay si ay isu difaacdo.

Wuxuu xiriir rasmi ah la laleeyahay Shiinaha, wuxuu sidoo kale aqoonsan yahay mowqifka Shiinaha ee ah in Shiinuhu uu yahay hal dowlad oo qura.

Sidee Shiinaha iyo Taiwan ay uga jawaabeen?

Xafiiska madaxweynaha Taiwan ayaa sheegay in aysan isu dhiibayn cadaadiska la saarayo isla markaasna aysan “degdegayn” marka ay taageero hesho.

Afhayeenka madaxtooyada Xavier Cheng, ayaa sheegay in “Taiwan ay ka go’an tahay in ay is difaacdo,” wuxuuna u mahad celiyey maamulka madaxweyne Biden oo uu sheegay in uu taageero la garab taagan yahay.

Shiinuhu wali wax jawaab ah kama uusan bixin hadalka Biden. Hase ahaatee gelinkii hore ee Khamiistii, ka hor hadalka Biden, safiirka Shiinaha u fadhiya Qaramada Midoobay Zhang Jun ayaa Maraykanka ku eedeeyey in uu qaadayo “tallaabooyin khatar ah, oo xaaladda Taiwan u horseedi karta in ay u jihaysato meel khaldan”.

Shiinaha iyo Taiwan

  • Maxaa xumeeyey xiriirka Shiinaha iyo Taiwan? Shiinaha iyo Taiwan ayaa la kala qaybiyey intii uu socday dagaalkii Sokeeye sannadkii 1940-kii.Markii Taiwan ay u sheegatay in ay tahay dal madax bannaan, Shiinuhu wuxuu u arkayey in ay tahay gobolka ayada ka mid ah oo gooni u goosad ah, oo mar uun dib ugu soo laabanaysa dal weynaha Shiinaha, haddii laga fursan waayana xoog lagu muquunin karo.
  • Sidee Taiwan loo maamulaa? Jasiiraddaas waxay leedahay dastuur iyada u gooni ah, hoggaamiyeyaal si dimuquraadi ah loo soo doortay, iyo ku dhawaan 300,000 oo ciidan ah oo si buuxda u qalabaysan.
  • Yaa aqoonsaday Taiwan? Dhowr dal oo qura ayaa aqoonsaday Taiwan. Waxayse dunida badankeedu aqoonsan tahay xukuumadda Shiinaha ee fadhigeedu yahay Beijing.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here