Mareykanka oo shuruud ku xiray Milateriga Suudaan

gen Cabdulfataax cabduraxmaan burhaan

Ku-xigeenka xoghayaha Mareykanka ee arrimaha Afrika ayaa ugu baaqday militariga Suudaan in sida ugu dhaqsiyaha badan ay xukunka ugu wareejiyaan dowlad rayid ah.

Makila James waxay sheegtay in arrinta ku aadan in dalka Suudaan liiska dalalka maalgeliyo argagixisada uu ka saaro Mareykanka ay imaan karto oo kaliya ah, haddii militariga ay awoodda ku wareejiyaan dowlad rayid ah.

Makila oo la hadleysay BBC kaddib markii kulan ay la qaadatay madaxa kumeel gaarka ah ee golaha sare ee militariga Suudaan, Janaraal Cabddel Fataax Cabdulraxmaan Burhaan.

Waxay ku tilmaantay taliyeyaasha militariga inay daacad yihiin isla markaasna ay si wanaagsan uga falceliyeen cosdiga shacabka reer Suudaan.

Shalay, Janaraal Burhaan waxaa uu xaqiijiyay in ciidammada aysan awood xadh-dhaaf u adeegsan doonin dibadbaxyaasha.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.