MAREYKANKA OO SII DAAYEY NIN DAROOGADA KA GANACSAN JIRAY OO MULLAH CUMAR SAAXIIB LA AHAA

mullah cumar yo Bashiir Noorzai

Taliban ayaa sii daysay Injineer Mareykan ah oo ay afduub ku haysteen tan iyo 2020, halka Mareykanka uu sii daayay hogaamiye qabaa’il oo Afgaanistaan ​​ah oo ay gacanta ku hayeen tan iyo 2005.

Kooxda Taliban ayaa sheegtay in sarkaalkii hore ee ciidamada badda Mareykanka Mark Frerich lagu wareejiyay Mareykanka isagoo la geeyay garoonka diyaaradaha ee Kabul maalintii Isniinta. Taa baddalkeeda, Bashiir Noorzai ayaa lagu wareejiyay Taliban. Noorzai wuxuu ku xukunnaa xabsi daa’in ka dib markii lagu helay dambi ahaa ka ganacsiga daroogada. Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa sheegay in ay jiraan ‘go’aamo adag’ oo ay tahay in la qaato marka ay timaado in Injineer Mareykan ah lagu badasho maxbuus kale.

Frerich, oo 60 jir ah, ayaa la afduubay 2020, sanad ka hor intii Taliban ay dib u qabsan Afgaanistaan bishii August 2021.

Mark Frerich waxa uu ku noolaa oo ka shaqaynayey Kabul 10-kii sano ee la soo dhaafay isaga oo ahaa injineer.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here