MAREYKANKA OO TALLAABO KA QAADAYA DADKA HURINAYA COLAADDA LAASCAANOOD

amb larry ande iyo muuse biixi

Safiirka xilka ka sii tegaya ee Maraykanka u fadhiya Soomaaliya, Larry André ayaa waraysi uu siiyay laanta af Soomaaliga ee BBC ku sheegay in shakhsiyaadka ku lugta leh hurinta colaadda Laasacaanood ay ka qaadi doonaan tallaabo, waa haddii ay sii wadaan ficiladooda.

Danjiraha ayaa sheegay in Maraykanka ay miiska u saaran tahay cunaqabateyn ka dhan ah shakhsiyaadkaas oo aanu magacaabin.

Colaadda Laasacaanood ayaa socotay tan horraantii February, waxaana ku dhintay boqolaal qof. Safiir André oo ka jawaabaya su’aal ay BBC weydiisay oo ay ahayd doorkooda ah in la joojiyo colaadda Laascaanood ayaa yiri:

“Anaga iyo saaxiibadda kale ee caalamiga ah waxaan war saxaafadeed ka soo saarnay xaaladda Laasacanood durbadiiba markii uu bilowday dagaalka. Waxaan ku baaqnay in colaadda la joojiyo, miiska wadahadalka lagu xalliyo khilaafka iyo in gargaar bani’aadannimo la gaarsiiyo dadka ku barakacay dagaalka. Waxaan si toos ah ula hadlay hogaamiyayaasha Hargeysa, Laasacaanood iyo Garowe.”

Safiirka oo ay BBC-da weydiisay waxa uu xukuumadda Hargeysa uu kala hadlay ayaa ku jawaabay:

“Waan wadahadalnay, waxaana arrintaas oo soo dhigay baraha bulshada. Waxaan u sheegay inta aan goor dhaweyd kuu sheegay oo ah in aan u baahannahay in la joojiyo colaadda, dhinacyadu ay joojiyaan rasaasta ay is weydaarsanayaan, in arrimaha u dhexeeya dhinacyada lagu xalliyo wadahadal iyo in dadka dhibaataysan la gaarsiiyo gargaar bani’aadannimo dhinac kasta oo uu uga iman karaba.“

Safiirka ayaa ka gaabsaday inuu si toos ah uga jawaabo su’aal ahayd arriimaha sida gaarka ah ay uga wada hadleen isaga Madaxweyne, waxa uuna ku ku jawaabay:

“Biixi Si qoto dheer ayaan u wadahalnay, kadibna waxaan soo dhigay baraha bulshada.

Haddii aan caado ka dhigto in aan si shaac baxsan uga warramo waxyaabaha aan sida hoose ugala hadlo hogaamiyayaasha, taasi waxay dhalin doontaa in aanay hogaamiyayaasha mar dambe ila hadlin. Arrin kale oo aan kala hadlay ayaa ah in doorashada madaxtooyada Somaliland ay aad dib ugu dhacday, arrintaasoo kalena ay caqabad ku noqotay qeybaha kale ee Soomaaliya oo maamulkii hore uu xafiiska joogay wax ka badan muddo xileedkiisa, taasina ay horseedaysa xassilloni darro ba’an.”

Waxa ay shacabka Soomaalida doonayaan in ay ogaadaan ayaa ah waxa aad isla meel dhigteen adiga oo ah safiirka Maraykanka ee Somalia iyo Madaxweynaha Somaliland si xal looga gaaro colaadda magaaladaas? Danjire André oo ka jawaabaya su’aashaas ay BBC Somali weydiisay ayaa yiri:

“Waxaa weli socda wadahadalka u dhexeeya Maraykanka, saaxiibbada kale ee caalamka iyo hogaanka Soomaaliya ee Muqdisho ee ku aaddan arrinta Laasacaanood. Waxaa arrinta qeyb ka ah madax dhaqameed ay dirtay dowladda Muqdisho oo la kulmay dhiggooda iyo hogaanka Hargeysa. Xogta wadahalladaas ayaa la shaacin doonaa marka ay dhinacyada heshiis gaaraan.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here