Mareykanka: Putin ayaan beegsan doonaa hadii uu Ukraine weerar ku qaado

vladimir putin

Caalamka ayaa isha kuhaya xiisadda katagaan xadka Ukraine iyo wadanka Ruushka ee ay isku hor fadhiyaan Militariga Ruushka iyo ciidamada xuladafada reer-galbeedka ee NATO iyadoo mar walbo lafilan karo in uu dagaal qarxo.

Madaxweynaha dalka Mareykanka Joe Biden ayaa sheegay in cawaaqib xumo ay kadhalan karto hadii uu Madaxweyne Putin uu ku duulo wadanka Ukraine sidoo kalena uu Cunaqabateyn la beegsan doono gaar ahaan Madaxweyne Putin.

Goodinta Mr Biden ayaa kusoo adeyso iyadoo madaxda kale ee reer galbeedka ay ku celceliyeen marar badan digniino ah in Ruushku musiibo kala kulmi doono hadii uu duulaan kuqaado wadanka Ukraine oo haray uga tirsanaan jirtay Midowgii suufiyeetka la isku oran jiray ee USSR.

Aqalka Kremlin-ka ayaa sheegay in ay khatar amni u aragto isbahaysiga militariga reer galbeedka NATO ee xadkeeda jooga.

waxayna sidoo kale dalbanayaan dammaanad qaad sharci ah oo ah inaysan xubno cusub lagu soo kordhin isbaheysiga NATO oo ay Ku jirto dalka isaga dariska la ah ee Ukraine, balse Maraykanka ayaa sheegay in arrinta la isku hayo ay tahay gardarada Ruushka, ee aysan ahayn isballaarinta NATO.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here