Masar iyo Suudaan oo dalbaday dhexdhexaadin si loo soo afjaro khilaafka Webiga Niil

0
webiga nile

Dalalka Masar iyo Suudaan ayaa mar kale ku baaqay dhexdhexaadin caalami ah si loo soo afjaro muran muddo soo jiitamayay oo ku saabsan dhismaha biyo xireenka Itoobiya ee wabiga Niil oo labada dalba ay ka cabsi qabaan inuu saameyn ku yeesho biyahooda.

Baaqan ayaa yimid iyadoo Madaxweynaha Masar, C / fataax Al-Sisi, uu booqanayo Suudaan markii ugu horreysay tan iyo markii xukunka laga tuuray Madaxweynihii hore, Cumar Al-Bashiir.

Waxay sheegeen inay ahayd in heshiis la gaaro ka hor inta aysan Itoobiya bilaabin marxaladda xigta ee buuxinta biyo xireenka bisha Juulay ee sanadkaan.

Balse Xukuumadda Addis Ababa ma rabto dhexdhexaadiyeyaal dheeri ah. khilaafkanna waxaa uu umuuqdaa mid sii cakariya xaaadda gobalka oo la daalaa dhacaya colaado iyo xasilooni daro.

Cabdul Fattax al-Sisi wuxuu kulamo gooni gooni ah laqaatay hogaamiyaasha rayidka iyo militariga ee Suudaan isaga oo kala hadlay in mowqif mideysan ay ka yeeshaan arrinta biya xireenka.

Masar iyo Suudaan waxay ku baaqeen wareeg cusub oo wadahadal ah iyada oo la ballaariyay koox dhexdhexaadin ah oo ay ku jiraan saraakiil ka socota Midowga Afrika, Mareykanka, Midowga Yurub iyo Qaramada Midoobey .

Goormaa la buuxinayaa biyo-xireenka?

Muranka ku saabsan arrintan biyo-xireenka ayaa soo socday ku dhawaad toban sano, iyada oo aan qodobbadii la isku hayey heshiis laga gaarin, inta badanna ay qodobbada ay ku doodeyso Masar sabab u ahaayeen in heshiis la gaari waayo.

Su’aasha taagan ee weli jawaabta u baahan waa xilliga biyo-xireenka la buuxinayo iyo xaddiga biyaha la sii deynayo.

Wadahadallo marar badan dhex marayey kooxaha farsamada ee dalalka Masar, Itoobiya iyo Suudan ayaan arrimihii la iski hayey heshiis kama dambeys ah kasoo saarin.Itoobiya waxay sheegtay inay bisha Juulay. ee soo socta ay billaabeyso buuxinta biyo-xireynka taas oo hadda ay ka dhiidhiyeen dalalka Suudaan iyo Masar .

“Dhinaca Itoobiya, dhismaha biyo-xireenka iyo buuxinta biyaha uma aha labo arrimood oo si kala duwan loo sameynayo,” ayuu yiri mid ka mid ah saraakiisha wadaxaajoodka u qaabilsan Itoobiya, Zerihun Abebe, oo BBC-da u warramay kol hore.

“Masaaridu waxay isku dayayaan inay beesha caalamka ka dhaadhiciyaan arrin taas ka duwan,” ayuu sii raaciyay hadalkiisai.

Wuxuu intaa ku daray mabaadiidii aasaasiga ee 2015-kii lagu heshiiyey ay Itoobiya u oggolaanayaan inay howlaheeda sii wadato.Balse Masar sidaas wax uma aragto.

Bayaan ay horey u soo saartay wasaaradda maaliyadda Mareykanka ayaa lagu sheegay in wadahadallada biya xidheenka ku saabsan ee horay u soo socday ay ku saleysnaayeen in biya xireenka Itoobiya ay dhisaneyso loo maareeyo si aan saameyn u geysaneyn waddamada kale ee uu wabiga sii maro ee Suudaan iyo Masar.Iyo in sidoo kale Itoobiya looga baahan yahay inta arrinta wabiga heshiis kama dambeys ah laga gaarayo in aysan billaabin buuxinta biya xireenka ay dhiseyso.

Heshiisyadi xilligi guumeysiga

“Buuxinta biyaha iyo howlahiisa iyada oo aan heshiis waara laga gaarin muranka dalalka u dhaxeeya ma aha suuragal, waxaana taas looga hortagayaa saameynta uu u geysanayo waddamada wabiga uu sii maro, iyada oo cabsi aad u weyn laga muujiyey gobolka ay amnigiisa oo marki horaba aan cago adag ku taagneyn, oo ay colaad iyo dhibaato horleh ka abuurto” ayuu yiri Mr Shoukry.

Itoobiya waxay dhankeeda ka sheegtay inay diyaar u tahay in ay ka qeyb gasho wadahadallo ay hoggaaminayaan Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay, balse waxay Masar ku eedeysay “iney ku adkeysaneyso taariikda xuquuqiga ee ay isasiineyso iyo xaaladda hadda taagan”.

Xuquuqaha ay Masar isasiineyso ayaa waxay salka ku hayaan guumeystihii Britain oo 1929-kii u aqoonsaday Masar: “Dabeeci ahaan iyo taariikh ahaanba in ay Masar xaq u leedahay biyaha wabiga Nile”.

Wuxuu sida oo kale Masar xaq u siinayaa iney leedahay awood ay ku hor istaagto mashruuc kasta oo wabiga Nile laga dhiso.

1959-kiina, dalalka Masar iyo Suudaan waxay saxiixeen heshiis ay labada waddan ku qaybsanayaan kheyraadka wabiga Nile, iyada oo heshiiskoodaasi uu dhigayo in Masar ay yeelaneyso xuquuqda ugu badan ee ka faa’ideysiga wabiga.

Balse heshiiska ay labada dal wada galeen laguma xusin 9-ka dal ee uu wabiga Niil maro oo ay Itoobiya ka mid tahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here