Masar, Sudan iyo Israel oo sameeyey isbaheysi ka dhan saameynta Turkiga ee Soomaaliya

farmaajo erdogan

Isku day la doonayo in looga hortago saameynta Turkiga ee Badda Cas iyo hamiga Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ee gobolka ayaa socda sida laga soo xigtay ilo sirdoon, waxaa soo baxaya warar sheegaya in Masar ay sameysatay weji seddex geesood ah oo ay la leedahay Israel iyo Sudan si loo xakameeyo saamaynta Turkiga ee Muqdisho.

Yeni Safak, oo ah wargeys maalinle ah oo aad ugu dhow Xukumadda Ankara, ayaa soo wariyay in saraakiisha sare oo ka tirsan militariga Masar, Israel iyo Sudan ay qaban qaabinayaan kulan aan la shaacin taariikhda iyo goobta goobta uu ka qabsoomayo – si looga wada hadlo isku dubaridka amniga Gobolka Badda Cas.

Wargaysku waxa uu sheegay in ay qorsheynayaan in la xadido saameynta Turkiga ku leeyahay gobolka, kadib codsi ka yimid Masar, maadaama Masar “aysan ku fududaan” duulaanka Turkiga ee Soomaaliya iyada oo fiirinaysa saamaynta xooggan ee Turkigu ku leeyahay geeska Afrika.

Wargeysku waxa uu tilmaamay in saraakiisha ugu saraysa laanta Sirdoonka Guud ee Masar, wasiir ku xigeenka gaashaandhigga Masar iyo taliyaha Masaarida ee Koonfurta Gobolka ay ka qayb qaadan doonaan kulanka oo aan la shaacin goobta uu ka qabsoomayo.

Isaga oo ka hadlaya saameynta sii kordheysa ee Turkiga ee Soomaaliya iyo qorshaha Masar ay ku samaynayso xulafada ka dhan ah Turkiga, Maj. Gen. Hatem Bashat, xubin ka tirsan guddiga baarlamaanka Masar ee arrimaha Afrika, waxa uu sheegay Nofeembar 16 in Masar ay si fiican uga warqabto tallaabooyinka “xaasidnimada ah” ee Turkigu ka wado Soomaaliya.

Bashat ayaa ku sheegay war saxaafadeedkiisa in Masar ay ka sugi doonto dunida carabta hamigoodaas xulafooyin iyo heshiisyo, si ay u sameysato Isbahaysi awood u leh kahortaga khatar kasta, sida ay ku sameysay badda Mediterranean iyada oo loo marayo Golaha Bariga ee Gaas ee Bariga Dhexe.

Saameynta Turkiga ee Soomaaliya waayadaan dambe waa ay sii kordheysay. Bishii Nofeembar 7, Turkiga wuxuu ku dhawaaqay in uu bixiyay ku dhowaad $ 2.4 milyan oo deyn ah oo Soomaaliya ay ku lahayd Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF.

Dhanka kale, Danjiraha Turkiga u fadhiya Soomaaliya Mehmet Yilmaz ayaa wacad ku maray in uu xoojinayo xiriirka Soomaaliya iyo dalkiisa xilli uu  magaalada Muqdisho kulan kula yeeshay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, bishii Nofeembar 6 si loo xoojiyo taageerada shuruud la’aanta ah ee Turkigu siinayo Soomaaliya.

Isla maalintaas ayuu Rooble booqday xarunta tababarka ciidamada Turkiga ee Turksom ee magaalada Muqdisho, halkaas oo uu ku ammaanay saraakiisha Turkiga tababarka sare ee ay qaateen. Wuxuu sheegay in xaruntani ay tahay “mid tusaale u ah rajada dib u dhiska ciidanka.”

Isla waqtigaas, Altaqi Maxamed Othman, oo ah qoraa iyo falanqeeye reer Suudaan ah ayaa u sheegay Al-Monitor in Turkigu uu maciinsaday Soomaaliya maadaama uu lumiyay saamayntiisii Suudaan kadib bixitaankii Madaxweynihii hore Cumar Al-Bashiir, oo xulafo istiraatiiji ah la ahaa. Erdogan oo uu siiyay jasiiradda Badda Cas ku taal ee Suakin intii uu xukumayay.

Bishii Nofeembar 14, cutubyo ka tirsan ciidanka gaar ah ee Masar Saiqa Force iyo ciidanka cirka ayaa ka dagay saldhigga cirka ee Marwa ee Suudaan si ay uga qaybgalaan dhoola tuska wadajirka ah ee Masar iyo Suudaan ee loogu magac daray Nile Eagles – 1, markii ugu horreysay taariikhda labada dal.

Othman oo ka faalloonaya Masar in ay ku biirto xulafada Israel iyo Suudaan, wuxuu sheegay in Masar ay isku dayeyso in ay ka faa’iideysato caadi ahaanshaha xiriirka Israa’iil iyo Suudaan si ay u dhisto isbahaysi ka horyimaada hamiga Turkiga ee Badda Cas. Wuxuu yiri, “Isbahaysigani kuma koobna oo keliya saddex xisbi. Waxa kale oo ku jira Sucuudiga, oo xiriir la leh Israa’iil, in kasta oo aan la shaacin marka loo eego xasaasiyadda mowqifkeeda. ”

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump wuxuu ku dhawaaqay Oktoobar 23 in Suudaan ogolaatay in ay caadi ka dhigto xiriirka Israel.

Othman wuxuu saadaaliyay in isbahaysigan uu noqon doono mid xoogan oo guuleysta – iyadoo la ogyahay joogitaanka Israel oo ka baqaya hanjabaadaha Turkiga iyo Iiraan ee Badda Cas – joojinta horumarka Turkiga ee gobolka.

Amani al-Tawil, oo ah khabiir ku xeel dheer arrimaha Afrika kana tirsan Xarunta Al-Ahram ee Daraasaadka Siyaasadda iyo Istiraatiijiyadda, ayaa u sheegay Al-Monitor in aysan ahayn markii ugu horreysay ee ay Masar doonayso in ay sameysato gole awood u leh in ay joojiso saamaynta Turkiga ee Soomaaliya iyo gobolka geeska Afrika, maadaama ay horay ugu shaqeyn jirtay hadana saamaynteeda meesha ka baxday.

Masar ayaa ku dhawaaqday Jan. 22 inay bilaabeyso tababarka wadajirka ah ee Masar iyo Sucuudiga ee loogu magac daray Morgan-16, ee Badda Cas, iyadoo ujeedku yahay in la xoojiyo amniga badaha ee gobolka lana wajaho khatar kasta.

Bishii Janaayo 15keedii, Masar waxa ay furtay saldhigga milateri ee Berenice, oo ah kan ugu weyn Badda Cas iyo Afrika oo leh bed dhererkiisu yahay ku dhowaad 150,000 oo feeddans ah (155,000 acres), oo ku yaalla xeebta Badda Cas. Ujeeddadu waa in laga ilaaliyo xeebaha carbeed ee ku teedsan Badda Cas .

Tawil waxa ay sheegtay in Turkigu uu doonayo inuu abuuro aagag saamaynta ku leh Badda Cas, iyadoo la tixgelinayo muhiimadda ay u leedahay marinka ugu weyn ee ganacsiga adduunka. “Nasiib darro Erdogan wuxuu ka faa’iideystay saboolnimada iyo dagaalka sokeeye ee Soomaaliya si uu u xoojiyo saameyntiisa isagoo xakameynaya dhinacyada dhaqaalaha iyo militariga [dalka]. Tani waa run gaar ahaan maadaama Soomaaliya ay leedahay kheyraad shidaal oo aad u tiro badan, halka Turkiga uu ka liito khayraadka shidaalka. Ku dar meeshaas caanka ah ee ku taal Gacanka Cadmeed iyo halka laga galo Badda Cas, taas oo ka dhigaysa bartilmaameed muhiim u ah Turkiga, ”ayay raacisay.

Wasiirkii hore ee Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya Cabdullaahi Cali Xasan ayaa sheegay intii uu socday shirkii Madasha Dhaqaalaha ee Turkiga iyo Afrika in isweydaarsiga ganacsiga ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga uu kordhay 37% sanadkii la soo dhaafay, uuna gaaray $ 206 milyan, halka sanadkii 2017 uu ahaa 150 milyan.

Bishii Sebtember 30, 2017, Turkiga wuxuu furay saldhig millatari – oo ah xerada ugu weyn ee lagu tababaro militariga Soomaaliya, sidoo kale waa xerada ugu weyn ee ku taal meel ka baxsan Turkiga oo saldhig u ah xukumada Ankara – waxa ayna ku taalaa koonfurta Muqdisho.

Erdogan wuxuu ku dhawaaqay Jan. 20 in ay bilaabeyso sahaminta shidaalka ee biyaha Soomaaliya.

Tamarta ay soo dejiso Turkiga sanadkii 2019 waxa ay gaaraysay ku dhowaad $ 41.1 bilyan sida laga soo xigtay machadka tirakoobka Turkiga.

Ilaha Xogta:-Yeni SafakAl-Monitor.com iyo Mustaqbal Media

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here